Taliye-ku-xigeenka Booliska Kenya oo is-casilay.

Monday June 16, 2025 - 20:19:51
Liibaan Jeexoow
Ku-xigeenka taliyaha Booliska Kenya sarkaalka lagu magacaabo Eliud Kipkoech Lagat ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayey kadib markii dhawaan fadeexad ay lasoo gudboonaatay Booliska dalka Kenya.
Sarkaalkaan ayaa sheegay inuu isku casilay sababo ku aadan in Booliska Kenya ay si bareer ah u dileen Alberta Jawaano oo ahaa nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Kenya, islamarkaana dhaliili jiray dowladda Kenya gaar ahaan Booliska dalkaasi.

Wuxuu sheegay taliye ku xigeenkii hore ee Booliska Kenya inuu dalbanayo in lasoo dadajiyo baaritaanka kiiskaan lagu dilay Alberta Jawaano .

6-dii Bishaan June ayey ahayd markii Booliska Kenya ay xabsiga magaalada Nairobi ku xireen Alberta Jawaano kadib markii ay ku eedeeyeen inuu qoray warbixino ka dhan ah Booliska dalkaasi.

Booliska Kenya ayaa lagu eedeeyey inay gudaha xabsiga ku dileen ninkaan taasoo uu ka hadlay madaxweynaha Kenya oo sheegay in gacanta Booliska uu ku dhintay ninka la dilay.

Markii la dilay Alberta Jawaano ayaa banaanbaxyo ay ka dhaceen gudaha dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi kaasoo looga soo horjeedo Booliska dalkaasi oo lagu eedeeyey inay dilkaan geysteen.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa inay dib u qarxaan banaanbaxyada ay dhigayaan dad ka careysan dilkaan xilli dowladda Kenya ay sheegtay inuu socdo baaritaan arrintaasi ku aadan, islamarkaana loo xiray saraakiil iyo askar ka tirsan Booliska dalka Kenya.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub:

Related Items

Update cookies preferences