Wararka ka imanaya Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya qarax culus oo jihaadiyiinta Al-Shabaab ay galabta la beegsadeen gaari uu la socday taliyaha ugu sareeya maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya Yuusuf Odowaa Raage.
Gaarigan uu la socday Odowaa ayaa la weeraray isagoo maraaya duleedka degmada Cadale, waxaanay wararku tibaaxayaan in taliyahu uu badbaaday, balse uu jiro khasaare kala duwan oo soo gaaray ilaaladiisa.
Sidoo kale waxay wararku ay intaasi ku darayaan in waxyeello xooggani ay soo gaartay gaariga la qarxiyey ee ay saarnaayeen taliyaha iyo maleeshiyaadkiisa.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub: