Xasan Sheekh oo sheegay in ay jiraan dowlado doonaya in ay Soomaaliya kala gooyaan.

Monday June 16, 2025 - 19:12:20
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo maanta ka hadley shirkii loogu yeeray Gogosha Wadatashiga ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in ay jiraan dowlado doonaya in ay aqoonsadaan maamulka isku magacaabey Somaliland.
"Waxaan si adag digniin ugu direynaa dowladaha dhiirrigelinaya kala go’a Soomaaliya” ayuu yiri

Xasan waxa uu ‘dowladihii’ Soomaaliya soo maray u qaybiyey 3 qaybood oo kala ahaa Rayidkii sagaalka sano ee xilligii gumeytuhu guuray, Askartii Kacaanka iyo Dowladdii lagu dhisay Carta 2000.

Waxa kale oo uu intaa ku daray in aan marnaba awood loo adeegsan karin midnimada Soomaaliya. 

Dhanka kale waxa uu kuwa loogu yeero Beesha Caalamka ugu baaqey in aan Soomaaliya lagu saacidin sidii loo kala goyn lahaa balse lagu taageero mudnimadeeda.

"Caalamka iyo saaxiibada walaalaha ah meelkastoo ay joogaanba waxaan leennahay hallagu saacido Soomaaliya sidii ay midnimadeeda si nabad ah ugu hanan lahayd ee yaan lagu saacidin in ay kala tagto” Xasan

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli maamulka la baxay Somaliland oo 34 sano ku raadjoogay aqoonsigu ay sameeyeen dhaqdhaqaaqii ugu badnaa ee dublomaasiyadeed.

Dhanka kale waxa uu ka hadley arrimo kala geddisan oo ay kamid yihiin doorashada ‘Qof iyo Cod’ oo Villa Somalia rabto in ay si jujuub ah ugu dirqido shacabka.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub:

Related Items

Update cookies preferences