Wargeys kasoo baxa Kenya oo shaaciyey in marxalad quus ah uu maraayo hawl-galka AUSSOM.

Monday June 16, 2025 - 13:54:57
Liibaan Jeexoow
Sii socoshada duullaanka gardarrada ah ee ciidamada midowga Afrika ay ka wadaan Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in khatar uu ku jiro, isla markaana uu cagaha la galay marxalad quus ah kadib markii la joojiyey dhaqaalihii ku bixi jiray hawl-galkaasi.
The East African oo ka mida wargeysyada ugu waaweyn dalka Kenya ayaa warbixin uu shalay daabacay ku sheegay in mugdi fara badan uu hareeyey fashilna ku dhow yahay duullaanka isbahaysiga AUSSOM, kadib markii hoggaamiyeyaasha caalamku ay ku kala kaceen maal-gelinta hawl-galkaasi.

Dhammaadka bishii May ayuu wargeysku sheegay in la xaqiijiyey Qaramada Midoobay aysan bixin doonin miisaaniyaddii ballanqaadka ahayd ee loogu talagalay howlgalka AUSSOM ee 75%, taasoo ka dhigan in Midowga Afrika uu faro maran ka joogo maal-gelintii uu filanaayay.

Wargeyska oo soo xiganaya falanqeeyayaal caalamiya ayaa sheegay in Midowga Yurub oo bixin jiray lacagta ugu badan uu isna caddeeyey mowqifkiisa isla markaana joojiyey maal-gelinta hawl-galka midowga Afrika, isagoo ka leexday ayuu yiri doodaha dabada dheeraaday ee ku saabsan qorshaha taageerada ciidamada Afrikaanta.

Tallaabada Midowga Yurub ayuu wargeysku ku sifeeyey inay tahay astaanta ugu cad ee muujinaysa in Midowga Afrika uu wajahayo howl-gal aan heysan wax maal-gelin ah, xilli Jihaadiyiinta Al-Shabaabna dardar xooggan geliyeen hawl-galladooda.

Warbixintu waxay carabowday in Midowga Yurub uu si dadban u duray Maraykanka oo diidmo kala hor-yimid qorshahii lagu maal-gelin lahaa hawl-galka AUSSOM, iyadoo Afhayeen u hadlay midowga Yurub uu wargeyska u sheegay in niyad-jab ay ka qaadeen diidmada ka timid dalal uu Maraykanku u horreeyo, isla markaana iyaga hortood aanay qaadayn tallaabo dambe.

Wargeysku waxa uu xusay in warqad uu madaxwdynaha golaha ammaanku qoray saddex usbuuc ka hor oo loo gudbiyey xoghayaha guud ee urur-gaalleedka Qaramada Midoobay Antonio Guterres lagu sheegay in wada-tashiyadii la xiriiray maal-gelinta AUSSOM ay kusoo idlaadeen is-mariwaa, kadib markii Maraykanku ku hanjabay in mashruucaasi uu ku daadafayn doono diidmada qayaxan ee (Veto).

The East African waxa uu xusay in Labadii bilood ee lasoo dhaafay, ergada Midowga Afrika ay la kulmeen dalalkii maal-gelin jiray hawl-galkan, sidoo kalena raadiyeen kuwo cusub si ay u buuxiyaan baahida dhaqaale ee jirta iyo miisaaniyadda magdhowga ciidamada oo gaaraysa $166.5 milyan oo Dollar oo hal sano ah balse dadaalkaasi ayaa isna guul-darro kusoo idlaaday sida uu wargeysku ka dhawaajiyey.

Sidoo kale warbixintu waxay sheegtay in toddobaadkii hore, dowladda Ingiriiska oo ahayd ayay tiri rajadii ugu dambeysay ka dib markii Mareykanka iyo Midowga Yurub, ay iyaduna si cad u muujisay diidmadeeda ayna daboolka ka qaadday in hawl-galka AUSSOM ay badbaadin karaan oo kaliya maal-gashadayaal cusub oo u babac-dhigi kara dhaqaallahaasi.

Bitania Tadesse, oo ah xeel-dheere siyaasadeed oo u shaqeeya Machad Caalamiya oo fadhigiisu yahay New York, ayaa wargeyska u sheegay in adeegsiga Qaraarka la isku khilaafay ee QM ee 2719 ee Soomaaliya uu yahay imtixaan dhab ah oo ku wajahan iskaashiga u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, waana arrin laga yaabo ayuu yiri in ay walaac geliso Midowga Afrika.

Wargeyska The East African waxa uu sidoo kale ka sanqariyey in arrimahani ay sababi doonaan in waddamada midowga Afrika ee ciidamadooda u diray dalka Soomaaliya ay dib uga fikiri doonaan go’aankooda, Qaramada Midoobayna aanay mar dambe heli doonin ciidamo calooshood-u-shaqaystayaal ah oo ay ku adeegato.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub:

Related Items

Update cookies preferences