Jihaadiyiinta Al-Shabaab ee ka hawl-gala dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya ayaa weerar culus la beegsaday kolonyo ciidamo Kenyaan ah.
Kolonyadan ayaa lala beegsaday qarax xilli iyagoo sahay-doon ah ay ka baxeen deggaanka Buurta Koomoole kuna sii jeedeen magaalada Kiyuunga ee gobolka Laamuu.
Qaraxan oo sida lagu soo warramayo ahaa mid aad u culus ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka Buurta Jaajaaley oo u dhow soohdin-beenaadka.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in qaraxani uu haleelay gaari Kooyal ah oo uu saarnaa dhashiike ah, kaasi oo gebi ahaanba basbeellay.
Xogta ayaa intaas ku daraysa in isla goobta uu ku dhintay Wadahii gaariga la qarxiyey, isla markaana uu jiro khasaare intaas ka badan, oo weli aanaan helin faahfaahintiisa.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub: