Cudurka Furuqa Daanyeerrada oo laga helay Itoobiya iyo hay'ado caafimaad oo digniin kasoo saaray.

Monday June 16, 2025 - 18:54:57
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in cudur halis ah uu ka dilaacay dhowr magaalo oo katirsan wadankaas xilli dagaallo sokeeyee ay halakeeyeen bulshada Xabashida.
Hay'adda IMC ayaa xaqiijisay in todobaatameeyo kiis laga helay magaalada Addis Ababa ee caasimadda wadanka islamarkaana ay jiraan dad ugeeriyooday cudurka loo yaqaan Hargabka Daanyeeraha (Mpox).

Warbixinno caafimaad waxay xaqiijiyeen in dhammaan dadkii labaaray ee looga shakiyay cudurkan laga helay,hay'adda caafimaadka dowladda Itoobiya ee loo yaqaan EPHI ayaa iyana sugtay in Virus-ka Furuqa Daanyeerrada uu wadana ka jiro.

Wararku waxay sheegayaan in ugu yaraan 1 qof uu cudurkan ugu dhintay magaalada Addis Ababa halka illaa 18 xaaladood lagasoo calaamadeeyay illaa 6 degmo oo dhaca daafaha kala duwan ee wadanka Itoobiya.

Saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in lagasoo bilaabo 13-kii bishaan uu si xowlli ah ku faafay cudurka Mpox taasi oo ka dhigan in 5.6% uu Furuqa Daanyeerrada ku dhax faafay bulshada ku dhaqan wadanka Itoobiya.

Hay'adaha caafimaadka ayaa ka digaya in cudurkan uu musiibo ka geysto wadanka sababa laxiriira kaabayaasha caafimaadka Itoobiya oo aad uliita sababa laxiriira colaadaha laayaanka ah ee ka jira qaar badan oo kamid ah ismaamul goboleedyada sida Amhara iyo Oromia,shaqaalaha caafimaadka ayaysan usuurta gelaynin in ay si xoriyad leh isaga kala gudbaan gobollada lagu hardamayo.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub:

Related Items

Update cookies preferences