Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya weerar naf-hur ah oo dagaalyahannada Al-Shabaab ku weerareen kolonyo ciidamo Ugaandhiis ah.
Waxaa jira khasaare culus oo ciidamada Afrikaanta kasoo gaaray weerarkaasi oo goor dhawayd ka dhacay duleedka degmada Afgooye.
Saraakiil ka tirsan xoogagga Al-Shabaab oo ay soo xigatay idaacadda Andalus ayaa sheegay in hawl-galkaasi uu fuliyey naftii-hure ka tirsan guutada naftood-hurayaasha Al-Shabaab.
Kolonyada uu naftii-hurahani bartilmaameedsaday ayaa la sheegay in Kaarayaashu ay qayb ka ahaayeen, waxaana tan iyo markii hawl-galkaasi dhacay la maqlayaa qaraxyo waaweyn oo la aaminsan yahay inay yihiin hubkii cuslaa ee saarnaa gaadiidka Afrikaanta.
Waxaa jira khasaare lahaad leh oo weerarkaasi ka dhashay, waxaanay wararku tibaaxayaan in goobtii hawl-galkaasi uu ka dhacay ay kusoo dageen diyaarado Helicopter ah, kuwaasoo daad-guraynaya dhimashada iyo dhaawaca ciidamada Afrikaanta oo aad u fara badan.
Hawl-galkaasi oo sida la sheegay u dhacay sidii loogu talo-galay ayaanu gadaal idiinka soo gudbin doonaa faahfaahinta khasaaraha culus ee ka dhasahay Insha Allaah.
Geesta kale dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Hiiraan ayaa maanta howl-gal qorshaysan ka fuliyey duleedka deegaanka Tardo.
Hawl-galkan ayaa lagu khaarajiyey ugu yaran 6 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte, halka 6 kalena lagu dhaawacay, sida ilo-wareedyo aanu helnay ay xaqiijiyeen.
Xogtu wax waxay intaasi ku dartay in uu jiro hal qori oo jihaadiyiinta Al-Shabaab ay kusoo furteen weerarkaasi.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub: