Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya hawl-gal maanta ay jihaadiyiinta Al-Shabaab ka fuliyeen duleedka degmada Afgooye.
Weerarkan oo lagu beegsaday maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyey hawl-galkaasi waxaa lagu dilay ugu yaraan hal askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte, halka askari kalena lagu dhaawacay.
Hawl-galkan ayaa kusoo aadaya iyadoo isla deggaankan galabnimadii shalay dhirbaaxo kulal lagu dhuftay ciidamo huwan ah isla markaana dhegta dhiigga loo daray ugu yaraan 21 askari oo isugu jiray ciidamada Uganda iyo maleeshiyaadka Gurguurte, 32 kale oo isku-jir ah laga dhaawacay.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub: