Ganacsade magaciisa lagu sheegay CabdiFataax Caynaanshe Xaashi ayaa maleeshiyaad hubaysani ay ku dileen degmada Af-Barwaaqo oo ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Ninkan ganacsadaha ah oo sida ay wararku tibaaxayaan deggaankaasi ka waday qodista Warooyin lagu kaydiyo biyaha, ayaa lagu soo warramayaa in ninkii dilka geystay uu ka baxsaday goobta sida ay warbaahinta u sheegeen goob-joogayaal ku sugan Af-Barwaaqo.
Habeennimadii Axadda ayay ahayd markii magaallada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug uu ka dhacay dil aad u fool xun, kadib markii hal goob lagu wada khaarajiyey wiil iyo gabar ka mida ahaa shacabka magaalada.
Dhacdooyinkan foosha xun ayaa kusoo aadaya xilli guud ahaan gobolka Mudug uu muddooyinkii dambe wajahayay dilalka ka dhanka ah dadka rayidka iyo sidoo kale dagaal-beeleedyo soo noqnoqday oo ay ka dambeeyaan maamullada daba-dhilifyada ah ee Puntland iyo Galmudug.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: