Dhimashada iyo dhaawaca maleeshiyaadkii Ceel-qooxle oo sii maraysa 72 askari + Weerar ka dhacay Afgooye.

Sunday June 22, 2025 - 18:50:38
Liibaan Jeexoow
Waxaa sii kordhay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee maleeshiyaadka Gurguurte kasoo gaaray weerarkii cag-marinta ahaa ee jihaadiyiinta Al-Shabaab ay saaka kula wareegeen deggaanka Ceel-qooxle ee gobolka Hiiraan.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in dhimashadu ay sii marayso ugu yaraan 33 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka saaka la kulmay weerarkii jihaadiyiinta.

Sidoo kale hawl-galkaasi waxaa lagu dhaawacay 39 askari oo iyaguna ka tirsan maleeshiyaadkaasi, iyadoo dagaalkaasi ay xoogagga Al-Shabaab kula wareegeen saanad millateri oo kala duwan.

Magacyada qaar ka mida maleeshiyaadkii dhegta dhiigga loo daray oo aanu helnay ayaa kala ah: Muuse Cabdulle Axmed Tuurre, Cali Xusseen Caraalle (Cali Jilibeey), Busuq Jowlaal Raagge, Carabow Maxamuud Fiidow, Muumin Macalin Axmed, Cabdullaahi Muumin Cabdi Yare (Walaq), Guurre Odawaa Cabdi Raagge iyo Cilmi Xasan Daguur.

Sidoo kale magacyada qaar ka mid ah askartii lagu dhaawacay weerarkaasi ayaa waxaa ka mida: Muumin Xasan Caruud, Ibraahim Cali Gaab, Cusmaan Maxamuud Garas, Cabdullaahi Lo'leey, Cagajabeey Cabdullaahi Fiidow, Maxamed Maleesiyo.

Waxa kale oo askarta dhaawacantay ka mida Muxumed Rooble oo uu soo gaaray dhaawac garaab ah, ahna sarkaal ciidan, Cali Jilboole iyo Cabdullaahi Yuusuf qaar-madow.

Geesta kale iyo gobolka Shabeellaha hoose waxaa maanta ka dhacay howl-gal ay jihaadiyiintu ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye oo lagu dilay Siidii Saalax oo la sheegay inuu ahaa jaajuus dharcad ah oo ka tirsanaa Sirdoonka kooxda Villa Somaliya.

Related Items

Update cookies preferences