Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaridka ah ee Muqdisho ayaa dhaliil u jeediyay Guddiga Doorashada dhawaan uu magacaabey Xasan Sheekh.
Cabdiraxmaan ayaa Guddiga ku sheegay qaar hal dhinac ah isla markaana si jujuub ah u diwaangelinaya ardeyda Jaamacada Muqdisho.
"Guddigu wuxuu ugu hanjabay jaamacaddii ka biya diidda go’aankooda in ay tillaab ka qaadi doonaan iyagoo adeegsanaya ciidanka ammaankana.” Ayuu yiri
Cabdiraxmaan iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa labaduba horey u sheegay in ay dowladdu xirxirtey weriyeyaal caasimadda ku sugan isla markaana ay Xukuumadda Xasan cabburinayso saxaafadda waa sida ay hadalka u dhigeen eh.
Isbahaysiga Mucaaridka Soomaaliya ayaa dhawaan soo saarey warqad ay ku cambaareynayaan hab maamulka Xasan Sheekh. Farmaajo ayaa isagu si gaar ah oo ka duwan u soo saaray qoraal lagu dhaliilayo Xukuumadda Federaalka.
Kooxda Xasan Sheekh ayaa doonaysa in ay qabtaan doorasho lagu sheegay Qof iyo Cod taas oo ay xuseen in ay bilaabeen diwaangalinteeda.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: