Daraasad shaacisay in la gaaray dhammaadka AUSSOM, quusna ka muujisay maal-gelinta hawl-galkaasi.

Saturday May 24, 2025 - 17:07:34
Liibaan Jeexoow
Amani Afrika oo ah xarun qaabilsan cilmi-baarista isla markaana diiradda saarta arrimaha amniga iyo siyaasadda Midowga Afrika, fadhigeeduna yahay Addis Ababa ayaa daraasad ay shalay soo saartay ku muujisay rajo-beel ay ka qabto maal-gelinta hawl-galka AUSSOM.
Daraasaddan oo si gaar ah uu u soo sameeyey aasaasaha machadkan oo lagu magacaabo Solomon Ayele Dersso, ayaa lagu sheegay in hawl-galka AUSSOM uu wajahayo hoos u dhac ballaaran oo dhaqaale isla markaana aanu jirin hannaan cad oo maaliyadeed.

Dhaqan-galka hawlgalkan cusub ayay daraasaddu sheegtay inuu kusoo aaday xilli dagaalyahannada Al-Shabaab ay bilooyinkii lasoo dhaafay dardar-geliyeen weerarrada iskuna fidiyeen dhul aad u ballaaran, taas oo sababtay ayay tiri warbixintu in midowga Afrika uu dalbado ciidamo dheeraad ah.

Baahida dhaqaale ee haysata calooshood-u-shaqaystayaasha Afrikaanta ayaa sii fidaysa xilli uu meesha ka baxay Xeerka 2719 ee Qaramada Midoobay isla markaana Midowga Afrika uu wajahayo caqabado xooggan oo ah sidii uu lacagahaas uga heli lahaa ilo kale, ayaa lagu xusay daraasadda Amani Afrika.

Warbixintu waxay tilmaantay in Midowga Yurub oo ahaa maal-geliyihii ugu weynaa hawl-galka Soomaaliya tan iyo 2007-dii, isla markaana bixiyay ku dhowaad €2.7 bilyan oo u dhiganta $2.9 bilyan oo doolarka Mareykan ah, ay muujiyeen in wixii haatan ka dambeeya aanay diyaar u ahayn sii wadista ballan-qaadyadeedii hore ee hawl-galkan ay ku maal-gelin jireen.

Midowga Yurub ayaa laga yaabaa in uu bixiyo waxoogaa dhaqaalle ah, balse waxa cad inaysan buuxin karin farqiga maaliyadeed ee jira. Sidoo kale, dalalka maal-gelintoodu marka horeba koobnayd ayaa iyaguna muujinaya xiiso aad u yar, sida laga arkay ayay tiri daraasaddu ballan-qaadyada yaryar ee Shiinaha, Japan, iyo Kuuriyada Koonfureed.

Inkasta oo waxa loogu yeero Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku dhawaaqay in Qaraarka 2719 la isticmaali karo haddii la ansixiyo, ayaa arrintaasina uu fashil ku yimid kadib markii ansixintiisa la diiday kulankii Golaha ee 12-ka May 2025, taas oo dhaawacday rajadii Midowga Afrika ee ahayd in la helo maal-gelin joogto ah oo ku saleysan qaraarkaasi, sida ay sheegtay daraasaddu.

Tan iyo markii la meel-mariyay Qaraarka 2719, Midowga Afrika wuxuu si joogto ah ugu ololeynayay in la hawl-galiyo qaraarkaasi isagoo la kaashanaya Qaramada Midoobay, balse dedaalladaasi waxay markiiba la kulmeen ayay tiri warbixintu mucaaradad uga timid Mareykanka, oo aaminsan in Soomaaliya aysan ahayn goob ku habboon in qaraarkan lagu tijaabiyo, isagoo u muuqda mid weli ku adag mawqifkaasi.

Daraasaddu waxa kale oo ay xustay in ay socdaan dedaallo kale oo lagu doonayo in dhamaadka bishan lagu qabto magaalada Doxa ee dalka Qatar, shir maal-gelin loogu raadinayo hawl-galkan, kaas oo qorshaysnaa inuu dhaco dabayaaqada bishii lasoo dhaafay ee April balse dib u dhacay ilaa dhamaadka bisha May.

Kulankan oo isaga laftarkiisa ilaa hadda aan la shaacin muddo cayiman oo rasmiya ayay warbixintu ka muujisay calool-nugayl fara badan, maadaama ayay tiri weli aan la hubin xiiso dhab ah oo ku saabsan qabanqaabada munaasabadda, iyo xitaa haddii uu qabsoomo in uu keeni doono nooca maal-gelinta loo baahan yahay ee joogtada ah.

Warbixinta oo sii lafa-guraysa shirkan iyo natiijadiisa ayaa tiri "Inkasta oo laga yaabo in la helo lacag yar oo hawlgalka lagu sii wadi karo ilaa dhowr bilood, haddana habkaasi goos-gooska ah ma aha mid waara. Waxaanu qaabkaasi uu Midowga Afrika geliyay xaalad dhaqaale oo joogto ah oo dhaawac ku ah wax-ku-oolnimada iyo kalsoonida hawlgalka.”

Daraasaddu waxa kale oo ay carabowday in haddii la helo ilo kale oo maal-gelineed, aanay marnaba noqon karin xal waara oo dabooli kara baahida dhaqaale ee jirta, isla markaana aanay meesha ka saari karin xaaladda dhammaadka ah ee uu wajahayo hawl-galka AUSSOM.

Warbixinta Amani Afrika ayaa ka dhawaajisay in duullaanka midowga Afrika ee Soomaaliya oo socday muddo ku siman 18 Sano, uu ahaa hawl-galkii ugu muddada dheeraa, uguna qaalisanaa isla markaana ugu dhimashada badnaa ciidamada Afrikaanta, uu haatan u muuqdo in la joogo wakhtigii uu dhammaan lahaa.

Daraasaddan uu soo saaray machadka Amani Afrika ayaa hoosta ka xariiqday soo afjaridda hawl-galka AUSSOM in ay noqon karto bedel iyo tijaabo cusub oo timid xilli ku habboon, halkii la isku haysan lahaa ayay tiri sii wadista hawl-galladii lagu soo fashilmay ee looga guulaysan waayay dagaalyahannada Al-Shabaab.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:


Related Items

Update cookies preferences