Hawl-gal naf-hur ah oo maanta ay fuliyeen xoogagga Al-Shabaab ayaa ka dhacay xerada loo yaqaano Kulliyada Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir.
Weerarkan ayaa lagu soo warramayaa in si gaar ah loogu bar-tilmaameedsaday saraakiil ciidan oo reer-galbeed ah, kuwaas oo tababaro siinayay maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya, sida ay xaqiijisay Xarakada Al-Shabaab.
"Qofka is qarxiyay waxa uu xirnaa jaakad, waanu is-qarxiyey, khasaare ayaanu geystay…”ayuu yiri Aadan Xasan oo ka mid ah maleeshiyaadka cusub ee la qorayay isla markaana ahaa goob-jooge ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay, kaas oo la hadlay warbaahinta Associated Press.
Sidoo kale Axmed Nuur oo ka mida dirawaliinta basaska ayaa isagoo dhacdadan uga warramaya wakaaladda wararka ee Reuters waxa uu yiri "Waxaan maqalnay qarax lama filaan ah, ka dibna rasaas ka dhacaysa gudaha saldhigga markii aan sii dhaafnayna, waxa kaliya ee aanu arkaynay waxay ahayd daruur weyn oo qiiq ah”
Xarakada ayaa waxa ay ku xustay bayaanka ay soo saartay in hawl-galkani uu u dhacay sidii loo qorsheeyey, isla markaana uu haleelay saraakiisha caddaanka ah, xilli ay ku gudo-jireen kormeer ay ku samaynayeen askarta ay tababarka siinayeen.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa soo gaaray saraakiisha caddaanka ah iyo weliba maleeshiyaadkii xerada ku sugnaa, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay taliska millateriga ee xarakada Al-Shabaab.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sida ay sheegtay ku guul-darraysatay isku-dayyo ay ku rabtay inay ku ogaato khasaaraha weerarkaasi, kadib markii Axmed Macalin Fiqi oo ah wasiirka Gaashaandhigga ee kooxda Villa Somaliya uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo dhacdadan.
Bayaan goor dambe oo maanta ah kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga kooxda Villa Somaliya ayaa lagu sheegay in hawl-galkan uu fuliyey naftii-hure ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana aanay ka hor-dhacayn baaritaanka oo ay sheegeen in weli uu socdo.
Qaraxan maanta ka dhacay Akaademiyadda Ciidanka ee Jaalle Siyaad ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay goor dhawayd sheegtay warbaahinta Chimp Reports oo ka mida warbaahinta ugu afka dheer dalka Uganda.
Chimp Reports ayaa xustay in jihaadiyiinta Al-Shabaab ay fuliyaan weerarro waaweyn oo ay ku beegsadaan cadawgooda, waxaanay haatan halis weyn oo joogto ah ku yihiin kooxda Villa Somaliya iyo weliba ciidamada shisheeye.
Warbaahinta ABC News oo laga leeyahay Maraykanka kana mid ahayd war-fidiyeennadii maanta ka faalloonayay dhacdadan, ayaa sheegtay in jihaadiyiinta Al-Shabaab ay beegsadaan xarumaha ciidamada, taasi oo qeyb ka ah dagaallada ay ku doonayaan inay ku afgembiyaan kooxda Soomaaliya, si ay shareecada Islaamka ugu soo dabbaallaan dalka Soomaaliya.
Wargeyska The East African ku jira warbaahinta ugu saamaynta badan bariga Afrika ayaa tilmaamay in weerarkan maanta ka dhacay Muqdisho uu kusoo aaday xilli hubanti la’aan dhaqaale uu ku jiro hawl-galka AUSSOM, kadib markii uu Maraykanku ka hor-yimid in dhaqaale dambe uu ku bixiyo hawl-galkaasi.