Turkiga oo ciidan naf-la-caariya u soo diray xarumahiisa muhiimka ah ee Muqdisho.

Tuesday April 22, 2025 - 11:53:08
5174
Liibaan Jeexoow
Dowladda Turkiga ayaa ugu yaraan 500 askari usoo dirtay magaalada Muqdisho, kuwaas oo qeyb ka ah qorshe uu Turkiga doonayo inuu ku sugo ammaanka xarumaha muhiimka ah ee uu ku leeyahay Soomaaliya.
Xarumahiisan uu gurmadka u yahay ayaa lagu soo warramayaa inay ka mid yihiin saldhigga milatari ee Turksom iyo safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Sida ay warbaahinta somalidu qorayeen ciidamadan ayaa qayb ka ah 2,500 askari kuwaas oo diiradda saaraya difaaca danaha iyo xarumaha istiraatiijiga ah ee Turkiga.

Ciidanka Turkiga ayaa yimid kadib markii maleeshiyaadka Gurguurte ay ku jabeen dagaallo culus oo ay la galeen xoogagga Al-Shabaab, gaar ahaan weerarkii lagu qaaday saldhiggii weynaa ee Aadan Yabaal.

Weerarkaas ayaa sababay in jihaadiyiintu ay qabsadaan saldhigyo iyo deggaanno badan, taasoo keentay walaac xooggan oo ku saabsan halista ay geli karaan xarumaha Turkigu ku leeyahay magaalada Muqdisho.

Falanqeeyeyaasha amniga oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegaya in Turkigu uu qorsheynayo inuu si taxaddar leh u wajaho xaaladdan cusub ee soo korortay, ciidamadiisuna ay si gaar ah u sugaan ammaanka xarumahiisa muhimka ah.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:


TELEGRAM

FACEBOOK

Related Items

Update cookies preferences