Wasiirrada Khaarajiga Itoobiya iyo Jabuuti oo kulan ku yeeshay Addis Ababa.

Thursday May 15, 2025 - 18:01:49
Liibaan Jeexoow
Wasiirka arrimaha dibadda ee dawladda Jabuuti ninka lagu magacaabo C/Qaadir Xuseen Cumar ayaa booqasho ku tagay dalka Itoobiya, waxaanu kulan la yeeshay dhiggiisa dalkaasi Gedion Timothewos, sida arbacadii shalay lagu baahiyey barta X, ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya.
Safarkan oo ahaa kii ugu horeeyey ee C/Qaadir Xuseen uu ku tago dalkaasi tan iyo intii xilkan wasaaradda khaarajiga Jabuuti loo magacaabay, ayaa dhiggiisa Itoobiya ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal la iskagana kaashan lahaa khataraha amni ee gobolka.

Wasiirka khaarajiga Itoobiya ayaa carabka ku adkeeyay in xiriirka Itoobiya iyo Jabuuti uusan ku koobnayn oo keliya derisnimo, balse uu jiro iskaashi qoto dheer oo ahmiyad istaraatiiji ah leh, isla markaana taabanaya dhawr dhinac oo kala duwan, sida lagu sheegay bayaanka wasaaradda khaarajiga Itoobiya.

Gedion waxa kale oo uu intaas ku daray baahida loo qabo in si dhow loo wada shaqeeyo si loo sii horumariyo ayuu yiri xiriirka xooggan ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo isku-xirka gobolka.

Wasiirka khaarajiga Jabuuti ayuu war-saxaafadeedku sheegay in kulankaasi uu ka sheegay in xiriirka ka dhaxeeya Itoobiya iyo Jabuuti uu yahay mid ku dhisan yahay sal adag, lana sii xoojin doono. Waxaanay labada wasiir isla garteen in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xoojinta IGAD.

Mas’uuliyiinta Itoobiya iyo Jabuuti inkastoo ay todobaadkan muujiyeen saaxiibtinimo, haddana waxaa jira waxyaabo huursan oo wax xal ah aan laga gaarin oo salka ku haya xiisadaha isa soo taraaya ee siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika

"Geeska Afrika, xitaa gacmo isu salaamaya, waxay mararka qaar qarinayaan gacmo feeraysan.” Ayuu yiri falanqeeye siyaasadeed oo jooga Addis Ababa oo uu soo xigtay Wargeyska Itoobiyaanka ah ee Borkena.

Kulannadan ayaa sidoo kale imanaya xilli maamulka Addis Ababa uu si weyn ugu taamayo inuu hir-geliyo ajandaha Xabashida ee ah in marin-badeed uu ka xayuubsadaan Badda Soomaaliya, kaas oo si weyn u soo if-baxay Janaayo 2024, xilligaas oo heshiis is-afgarad oo xaaraan ah ay kala saxiixdeen R/Wasaare Abiy Axmed iyo Muuse Biixi Cabdi, madaxii hore ee maamulka la baxay Somaliland.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Telegram-yadan:



Related Items

Update cookies preferences