Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa madaafiic ku garaacay xerada maleeshiyaadka Gurguurte ee deggaanka Arbacow ee duleedka Muqdisho.
Madaafiicda ayaa lagu soo warramayaa inay ku hoobteen gudaha xerada, isla markaana ay ku dhaawacmeen 5 askari oo 3 ka mid ah dhaawacoodu uu garaab yahay.
Sidoo kale xoogagga Al-Shabaab ayaa xalay dagaal culus ku miray xerada ciidamada Afrikaanta ee degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose.
Weerarradan ayaa imanaya iyadoo shalay jihaadiyiinta Al-Shabaab ay dhegta u dareen isla markaana ay dhaawaceen maleeshiyaad isu geyntoodu ay gaareyso 126 askari.
Xoogagga Al-Shabaab ayaa dagaalladaasi shalay kula wareegay degmada istaraatiijiga ah ee Aadan Yabaal iyo deggaanno kale oo hoos-taga gobolka Hiiraan.
Raayada tawxiidka ayaa maalinkii labaad ka babanaysa degmada Aadan Yabaal iyo deggaannada Mubaax iyo weliba Yasooman oo dhammaantood ay shalay ay la wareegeen dagaalyahannada Al-Shabaab.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada dalka kusoo biir telegramyada: