REUTERS oo ka hadashay dagaalka Aadan Yabaal iyo saadaasha magaallada Muqdisho.

Wednesday April 16, 2025 - 15:06:07
Liibaan Jeexoow
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa goor dhawayd baahisay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerar ballaaran ku qaadeen Aadan Yabaal oo ah magaallo istiraatiiji ah oo ku taalla bartamaha Soomaaliya.
Reuters ayaa xustay in guusha ay gaareen jihaadiyiinta Al-Shabaab ay ka mid tahay hawl-gallo ay fuliyeen bishii lasoo dhaafay oo ay kula wareegeen deggaanno 50 KG u jira Muqdisho.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xustay in dadka ku dhaqan caasimaddu ay isla dhex marayaan in jihaadiyiintu ay qarka u saaran yihiin la-wareegista magaallada Muqdisho.

"Aadan Yabaal, waxay qiyaastii 245 u jirtaa Muqdisho, waxaana loo adeegsadaa saldhig weerarro lagaga qaado Al Shabaab...” ayaa lagu yiri warbixinta Reuters oo ay sii xigteen warbaahinno fara badan oo caalamiya.

Warbixintu waxay carabowday in Xasan Gurguurte uu bishii la soo dhaafay booqday Aadan Yabaal, lana kulmay saraakiisha ciidamada ee halkaas joogay.

"Markii salaadda subax la tukaday kadib, waxaan maqalnay qarax aad u weyn, Al-Shabaab ayaana labo jiho kasoo weerartay magaallada" ayay tiri Fadumo Nuur oo u warantay Reauters, isla markaana sheegtay inay ku sugan tahay gudaha Aadan Yabaal.

"Al-Shabaab, oo tan iyo 2007 u dagaallamaysa sidii ay hir-gelin lahayd shareecada islaamka, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay la wareegtay 10 saldhig ciidan ah iyo guud ahaan magaallada” ayaa lagu yiri warbixinta Reuters.

Dhinaca kooxda Villa Somaliya ayay wakaaladda Reuters sheegtay in ay aanay ka jawaabin oo ay ka gaabsadeen codsiyada warbaahinta ee ku saabsan dagaalkan maanta dhacay.

Wakaaladda wararka ee Reuters waxa kale oo ay sheegtay in dagaalkan maanta dhacay uu yimid xilli mustaqbalka taageerada amniga kooxda Villa Somaliya ee caalamku uu u muuqdo mid halis ku jira.

Sidoo kale Reuters waxay ka dhawaajisay in mugdi fara badani uu ku jiro helista dhaqaallaha ciidamada AUSSOM, isla markaana uu Maraykanku kasoo hor-jeedo qorshe la doonayo in maal-gelinta hawl-galkaasi lagu wareejiyo UN-ka.

FG: Wixii warar iyo warbixinno ah waxa kaloo aad kala socon kartaan:


Related Items

Update cookies preferences