Joornaal ay soo saarto Jaamacad ku taal Washington oo sheegay in hadafka Al-Shabaab yahay hir-gelinta khilaafo Islaamiya.

Wednesday April 16, 2025 - 13:26:55
Liibaan Jeexoow
Georgetown Journal of International Affairs (GJIA) oo ah joornaal sanadkiiba hal mar ay soo saarto Jaamacadda Georgetown ee ku taalla Washington, D.C. ayaa warbixin uu shalay daabacay kaga hadlay xasaradaha ka aloosan Geeska Afrika iyo ujeedka uu daaran yahay halganka ay ku jiraan jihaadiyiinta Al-Shabaab, isagoo ku taliyey in dal madax-bannaan loo aqoonsado maamulka la baxay Somaliland.
Warbixintu waxay xustay in murankii ka dhashay heshiiskii baadilka ahaa ee ay wada saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya uu bannaanka u soo saaray arrimo xasaasiya oo ay ka mid yihiin muranka biyo-xireenka Nile, arrinta Somaliland, damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya, iyo majara-habaabinta hawl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo saameyn weyn ku yeeshay xuduudaha badan ee Geeska iyo Bariga Afrika, kuwaas oo raba ayay tiri warbixintu inay Soomaaliya ka hir-geliyaan Khilaafo Islaamiya.

Heshiiskii Gurguurte iyo Abiy Axmed ay bishii December 2024 ku wada gaareen Turkiga ayay warbixintu sheegtay inuu mugdi geliyey heshiisyadii isbahaysi ee ka dhanka ahaa Itoobiya ee kooxda Villa Somaliya ay horey ula gashay dawlado ay ka mid yihiin Masar iyo Eretriya.

Hurinta dagaallada ka holcaya mandiqadda Geeska Afrika ayay warbixintu tilmaantay inay salka ku hayso fara-gelinta quwadaha gobolka iyo kuwa ka baxsan labadaba. Mana cadda ayay warbixintu tiri Heshiisyada Itoobiya iyo Soomaaliya ee la xiriira hawl-galka AUSSOM.

Sidoo kale lama caddayn ayuu yiri Joornaalku in heshiiskii Masar ay ku go’aamisay inay ciidamo ugu dirto Soomaaliya uu saamayn ku yeelan doono Somaliland iyo in kale, maadaama heshiiskaasi uu Soomaaliya ka dhigayo meel lagu ciyaaro oo loo wakiishay danaha dalal kale.

"Khilaafka ka taagan biyaha Webiga Nile ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar ayaa si degdeg ah isugu beddelay mid la xiriira heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya”ayaa lagu yiri warbixintan sannadlaha ah ee shalay uu daabacay Joornaalkan oo magaciisa loo soo gaabiyo GJIA.

Saanaddii millateri ee Qaahira ay gaarsiiyey Muqdisho ayuu wargeysku xusay in walaac xooggan uu ku abuuray Somaliland iyo Itoobiya, oo u arka tallaabo uga sii dari doonta xasaradaha ka aloosan gobolka, gaar ahaan marka la eego gaarsiinta hubka meelaha xuduudaha ah.

Wargeysku waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in isbahaysiga Masar iyo Soomaaliya aanu khusayn la dagaallanka Al-Shabaab, balse lagu meel-marinayo danaha Masar oo ah sidii ay Itoobiya ugu khasbi lahayd inay ka tanaasusho horumarka ay ka samaynayso biyaha webiga Nile-ka.

Warbixintu waxay muujisay suurto-galnimada in Itoobiya dawlad rasmiya u aqoonsato maamulka Somaliland, isla markaana Itoobiya noqoto quwad dhinaca badda ah oo xeeb leh, iyada oo saldhigyo ka kireysanaysa ama ka dhisanaysa xeebaha Somaliland.

Warbixintu waxa ka digtay in la marin-habaabiyo hawl-gallada ciidamada AUSSOM isla markaana ay qayb ka noqdaan siyaasadaha is-diiddan ee gobolka, taas oo ka dhalan karta ayay tiri warbixintu halis amni oo hor leh.

Wargeysku waxa kale oo uu soo jeediyey in la xalliyo muranka ka dhex aloosan Somaliya iyo Somaliland, iyadoo laga faa’idaysanayo natiijadii kasoo baxday baaritaankii Midowga Afrika uu Somaliland ku sameeyey 2005-tii iyo weliba tixgelinta taariikhda Somaliland ee ku wajahan madax-bannaanida.

Daba-gal aanu ku samaynay baaritaankan uu wargeysku carabka ku dhuftay ee ay samaysay AU-du, mar ay Somaliland safar ku tageen 2005-tii, ayaa natiijada kasoo baxday ay tilmaamaysay in Somaliland ay leedahay "xasilooni siyaasadeed" oo ka duwan tan ka jirta Soomaaliya inteeda kale.

Sidoo kale warbixin ay xilligaasi diyaariyeen weftigii ka socday AU-da ayaa uruka iyo dawladaha xubnaha ka ah ku boorrisay in si gaar ah ay u eegaan xaaladda Somaliland, oo ay sheegeen in go’aankeedu aanu ka hor imanayn xeerarka guud ee Afrika ee ka hortagga kala-go’a.

FG: Wixii warar iyo warbixinno ah waxa kaloo aad kala socon kartaan:

Related Items

Update cookies preferences