Wararka ka imanay gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya hawl-gal xooggan oo haatan ka socda degmada Aadan Yabaal.
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa saaka weerarro cag-marin ah kula jarmaaday maleeshiyaadkii huwanta ahaa ee ku sugnaa degmada Aadan Yabaal.
Wararka horu-dhaca ah ee haatan soo baxaya ayaa sheegaya in cagta la mariyey maleeshiyaadkii Gurguurte ee ku sugnaa duleedka degmadaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daray in xoogagga Al-Shabaab ay gabi ahaanba la wareegeen xeryihii ay maleeshiyaadkaasi ku lahaayeen duleedka Aadan Yabaal.
Firxadka maleeshiyaadka ayaa lagu sii baacsanayaa meelo kala duwan, waxaana la sheegayaa in jihaadiyiintu ay haatan u ruqaansadeen dhinaca gudaha degmadaasi.
Rasaasta ayaa haatan ka socota gudaha degmada Aadan Yabaal, halkaas oo sida la sheegay ay ku dhuumaalaysanayaan saraakiil uu ka mid yahay taliyaha guud ee maleeshiyaadka Odowaa Yuusuf Raage iyo weliba saraakiil kale.
Xogta ayaa tibaaxaysa in jihaadiyiintu ay durtaba gacanta ku dhigeen saanad millateri oo aad u fara badan oo taallay xeryihii lagala wareegey maleeshiyaadka Gurguurte.
Dagaalku haatan waxa ka socdaa gudaha degmadaasi oo daafaha kala duwan ee magaallada ay kaga yimaadeen jihaadiyiinta Al-Shabaab.
La soco wixii soo kordha Insha Allaah…..
FG: Wararka iyo warbixinnada waxaad sidoo kale kala socon kartaa Telegramyadan: