Dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Banaadir ayaa hawl-gal qorshaysan galabta ka fuliyey agagaarka isgoyska deggaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaallada Muqdisho.
Wararka ayaa tibaaxaya in hawl-galkan lagu khaarajiyey Maxamed Xasan Jiir oo ku magac-dheeraa Maqas, kaas oo guddoomiye-xigeen ka ahaa maamulka DF Somaliya ee deggaanka Sabiid ee hoos-taga degmada Afgooye.
Ninkan ayay wararku sheegayaan in muddadii ay maleeshiyaadka Gurguurte ku sugnaayeen deggaanka Sabiid uu si weyn u dhibi jiray dadka deggaanka.
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa 20-kii Ramadaan ee sannadkan 1446, weerar cag-marin ah kula wareegay deggaanka Sabiid.
Jihaadiyiinta ayaa hadda si buuxda u maamulaya oo gacanta ugu haya deggaanka Sabiid. Waxaana ka babanaysa raayada tawxiidka.