Dagaallo culus oo dhex-maraya jabhadda mucaaradka ee Fano iyo ciidanka Xabashida Itoobiya ayaa weli ka socda qaybo badan oo ka mida gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya.
Hawl-gallo xooggan oo ka dhan ah ciidanka dawladda ayaa ka socda deggaanno muhiima oo dhaca ismaamulka Amxaarada oo ay ka mid yihiin Woldia, Belesa, iyo Gojjam.
Deggaanka Quara ee Waqooyi Galbeed Gonder ayaa lagu soo warramayaa in muddo lix maalmood ah ka socdeen dagaallo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Fano.
Maleeshiyaadka Fano ayaa shaaciyey in ay dileen 130 askari oo ka tirsan ciidanka dawladda, 62 kalena ay dhaawaceen, isla markaana 51 askari oo kalena ay gacanta ku dhigeen.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyaadka mucaaradku ay la wareegeen gacan-ku-heynta deggaannada kala ah Agam Wuha, Benur, Addis Alem, Abbay Dar iyo Addis Argi.
Qaar ka mida warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan Fano, ayaa sheegay in dhegta dhiigga loo diray 40 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda, 20 kalena la dhaawacay kadib markii weerar lagu qaaday magaallada Woldia ee gobolka Wollo.
Wararka ayaa intaas ku daraya in sidoo kale ay jiraan maxaabiis tiradooda aan la cayimin oo lagu soo qabtay dagaalkaasi.
Sidoo kale maleeshiyaadka Fano ayaa khaarajiyey ku dhawaad 20 askari oo ka mid ahaa ciidamada nidaamka Abiy Axmed ee ku sugnaa deggaanka Gorenji ee koonfurta gobolka Wollo.
Bariga Gojjam ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa in maleeshiyaadka Fano ay ku dileen sarkaal magaciisa lagu sheegay Asferachew oo ahaa madaxii ciidanka dawladda ee deggaankaasi.
Ilaa hadda lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee gaaray dhinaca Fano, balse waxaa la dilay sarkaal ka tirsanaa kooxdan oo caan ka ahaa Koonfurta Gonder, laguna magacaabi jiray Kefyalew Dessie.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ururka Amxaarada ee Fano Popular Organisation oo loo soo gaabiyo (AFPO) ay dilka sarkaalkan la xiriiriyeen waxa ay ku tilmaameen "calooshood-u-shaqeystayaal TPLF ah."
Dilkan ayaa noqonaya kii labaad oo si weyn loo hadal-hayo oo deegaankaas loogu geysto hor-jooge ka tirsan kooxda Fano muddo labo bilood gudahood ah.
Horaantii bishii March ee sanadkan, ayaa sidoo kale deggaankaasi lagu dilay Korneyl Tadesse Eshete oo ahaa taliyihii ciidanka ee taliska Gonder iyo madaxii qaybta qorshaynta iyo istaraatiijiyadda.