Madaxweyne cusub oo maqaar-saar ah oo loo magacaabay gobolka Tigrey.

Wednesday April 09, 2025 - 09:31:15
Liibaan Jeexoow
R/wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Tadesse Werede u magacaabay madaxweynaha cusub ee maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigreyga. Waxaanu xilkaasi uu maalinnimadii shalay si rasmiya ugala wareegay Getachew Reda.
Madaxweynahan cusub ee maqaar-saarka looga dhigay gobolka Tigrey ayaa horey muddo labo sanno ah u soo noqday ku-xigeenka madaxweynaha iyo xoghaynta golaha wasiirrada ee maamulkaasi.

Abiy Axmed ayaa sheegay inuu kalsooni ku qabo wax-qabadka madaxweynaha cusub, isagoo u arka mas’uul ka fudaydin kara caqabadaha iyo qolqolatooyinka isbarkan ee kaga furan gobolka Tigrey.

Madaxweynaha cusub, Tadesse Werede, ayaa ku tilmaamay xilka cusub ee loo magacaabay inuu yahay caqabad adag iyo imtixaan isagoo dhinaca kalena carabaabay inuu isbedel keeni karo haddii si fiican loo maareeyo.

Sidoo kale isagoo garwaaqsan caqabadaha kakan ee ka aloosan gobolka Tigray-ga, Tadesse wuxuu qirtay in dhibaatooyinka jira ee amni, siyaasadeed iyo dhaqaalle oo uu sheegay in laga abuuray gudaha deggaannadaasi ay yihiin kuwo sii hurin kara dhibaatada hadda jirta.

Isbedelkan cusub oo ku dhawaad labo usbuuc ka hor uu sii iclaamiyey Abiy Axmed ayaa waxaa si adag uga hor-yimi isla markaana horeyba u daadafeysay kooxda TPLF gaar ahaan garabka uu hoggaamiyo Debretsion Gebremichael.

Kooxdan oo awood badan ku leh gobolka ayaa ku andacootay in Abiy Axmed uu rabo in kaligiis uu go’aamiyo masiirka maamulka Tigreyga, taas oo jabinaysa ayay yiraahdeen heshiiskii lagu gaaray Pretoria.

Garabka Debretsion ayaa sheegay in aanay aqbali doonin natiijo kasta oo kasoo baxda talo-maroorsiga Abiy oo sidoo kale ay ku eedeeyeen in muddo badan uu soo waday daandaansi, cadaawad iyo xasillooni-darro khatar ku ah jiritaanka dadka Tigrey-ga.

Si kastaba ha ahaatee waxa la iswaydiinayaa waxa uu soo kordhin karo mas’uulkan cusub ee maqaar-saarka uu ka dhigtay Abiy Axmed, kaas oo horey loogu tilmaami jiray inuu ka madax-bannaan yahay khilaafaadka hareeyey isla markaana labada garab u kala jabiyey kooxda TPLF.

Related Items

Update cookies preferences