Ciidanka Xabashida Itoobiya oo dad shacab ah ku xasuuqay gobolka Amxaarada.

Sunday April 27, 2025 - 11:49:24
Liibaan Jeexoow
Ugu yaraan 8 qof oo rayid ah ayaa dhintay tiro intaas ka badanna waa ay dhaawacantay kadib markii ciidanka Xabashida Itoobiya ay rasaas oodda kaga qaadeen xilli ay marayeen Waqooyiga Showa ee gobolka Axmaarada.
Dadkan ayaa ka mid ahaa Rakaab ka badan 20 Ruux oo saarnaa baabuur yar oo noociisu ahaa bas, kaas oo Khamiistii lasoo dhaafay si gaar ah loogu beegsaday degmada Merabete ee deegaanka Mesalemiya oo ka tirsan gobolka Amxaarada.

Labo caruur ah oo socod-barad ah, dhakhtar caafimaad iyo qoyskiisii iyo sidoo kale Haween ayaa ka mid ahaa dadkii halkaasi ku dhintay, sida warbaahinta maxalligu ay kasoo xigatay ilo deggaanka ah.

Dadkii dhaawacmay ayaa lagu soo warramayaa in la dhigay cisbitaallada Alem Ketema, Neragna, Debre Birhan iyo Addis Ababa. Iyadoo wararku ay intaas ku darayaan in aanay jirin cid dhaawacyadaasi caawisay oo ka ag dhawaa goobtaasi.

Dilalka qorsheysan ee gobolka Amxaarada ayaa marar badan soo noqnoqday tan iyo markii dowladda Xabashida Itoobiya bilowday wax ay ugu yeertay "Xoojinta Sharciga” isla markaana ciidan fara badan ku daabushay deggaannadaasi, kana fulisay duqaymo diyaaradeed.

Marka laga soo tago dilalka dadka waayeelka ah, haweenka iyo carruurta, waxaa ka mida dadka la bartilmaameedsado dhakhaatiir caafimaad, iyadoo ugu yaraan saddex dil loo geystay dhakhaatiir caafimaad muddo sannad ka yar, sida ay shaacisay warbaahinta Borkena. 

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:


Related Items

Update cookies preferences