Ku dhawaad saacad ka hor salaaddii casar ee shalay, Shil baabuur oo geystay khasaare baaxad leh ayaa ka dhacay duleedka magaallada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ee waqooyiga Soomaaliya.
Labo qof ayaa geeriyooday, 9 kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii baabuur bas ah oo ay la socdeen uu kula gaddoomay inta u dhaxeysa deggaanka Qoyta iyo magaallada Burco.
Dadkii rakaabka ahaa ee shilkaasi ku dhaawacmay ayaa loo daad-gureeyey, laguna daaweynayaa cisbitaalka guud ee magaallada Burco.
Sida ay wararku tibaaxayaan mid ka mida labada qof ee dhintay oo magaciisa lagu sheegay Sheekh C/Fataax ayaa imaam ka ahaa masjid ku yaalla magaallada Burco.
Mas’uuliyiinta gobolka Togdheer ee maamulka la baxay Somaliland ee ka arrimiya deggaannadaasi ayaa xaqiijiyey khasaaraha uu geystay shilkaasi.
Shilalka baabuurta ayaa aad ugu fara badan deggaannada uu ka arrimo maamulka gobollada waqooyi ee la baxay Somaliland, gaar ahaan waddooyinka isku xira Hargeysa, Berbera, Boorama iyo Burco.
Sannadkii u dambeeyey ee 2024, maamulka Somaliland waxa uu diiwaan-geliyey 7,018 shilal gaadiid oo sababay dhimashada 188 qof iyo dhaawaca 4,454 ruux oo kale.
Sidoo kale shilalkaasi ayaa geystay burburka gaadiid tiradooda lagu sheegay 3,325 baabuur iyo 84 dhisme iyo weliba dhimashada xoolo dhan 528 neef.
Inta badan asbaabaha loo aaneeyo inay dhaliyaan shilalka ka dhaca deggaannada Somaliland ayaa waxaa ka mida masuuliyad-darro ka timaadda dhinaca dirawaliinta baabuurta oo badankoodu isticmaala maandooriyaha Qaadka.