Dagaallo lagu jabiyey maleeshiyaadka Gurguurte ayaa maanta ka dhacay duleedka degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay khasaare laxaad leh gaarsiiyeen maleeshiyaadka DF Soomaaliya.
Markii maleeshiyaadku ku jabeen dagaalkaasi ayay wararku tibaaxayaan inay u firxadeen dhinaca deggaanka Nuur Dugle.
Xaaladda degmada Ruun-nirgood ayaa deggen, Raayada Tawxiidka ayaana ka babanaysa, waxaana si buuxda gacanta ugu haya xoogagga Al-Shabaab.
Geesta kale waxaa faahfaahin dheeriya ay kasoo baxaysaa khasaaraha ka dhasahay duqayntii shalay ay jihaadiyiintu ku beegsadeen xerada Xalane ee magaallada Muqdisho.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in ugu yaraan duqayntaasi ay ku dhinteen 3 qof oo caddaan ah oo tirsanaa shaqaallaha UN-ka, una dhashay qaaradda Yurub.
Sidoo kale duqayntaasi waxaa ku dhaawacmay 3 kale oo ka mida shaqaallaha UN-ka oo iyaguna dhalasho ahaan kasoo jeeda Yurub.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ay gubteen ugu yaraan 3 baabuur oo ay lahayd waxa loogu yeero qaramada midoobay.
Xogta ayaa sidoo kale sheegaysa in goobtaasi ay cuskadeen madaafiicdu ay ku shufbeelleen ugu yaraan 2 guri oo ay deggenaayeen shaqaallaha Qaramada Midoobay.