Wararka ka imanaya gobolka Banaadir ayaa sheegaya weerar madaafiic ah oo maanta lagu qaaday taliska ugu weyn ee shisheeyuhu ku leeyahay dalka Soomaalyia.
Guutada Jugta culus ee jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in goor dhawayd ay madaafiic ku garaaceen xarunta Xalane ee magaallada Muqdisho.
Warar horu-dhac ah oo kasoo baxaya weerarkaasi ayaa sheegaya in madaafiicdu ay dhammaantood ku hoobateen gudaha xerada Xalane, walow xaddiga khasaaraha aanaan weli helin.
Shalay ayay ahayd markii sidan oo kale jihaadiyiinta Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah oo khasaare culus geystay ay ku garaaceen xarunta madaxtooyada Villa Somaliya, xilli weliba uu ku sugnaa Xasan Gurguurte iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulkiisa.
Dhanka gobolka Laamu ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya waxaa ka dhacay habeennimadii xalay dagaal culus oo xoogagga Al-Shabaab ku qaadeen xerada askarta Kenya ee tuullada Basuuba oo u dhaxeysa Mangaay iyo Milimaani.
Muddadii uu dagaalku socday ayaa lagu soo warramayaa in dab xooggani uu ka kacay gudaha xerada, waxaana halkaasi ku basbeelay dhowr teendho.
Wararka ayaa intaas ku daraya in teendhooyinkaasi ay ahaayeen kuwii ay ciidamada Kenya ku kaydsanayeen Sahayda iyo agabyadii kale ee xerada u yaallay.