Reysal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si cad u sheegay in uu tegi doono Magaalada Laascaanood ee Waqooyiga Soomaaliya.
Booqashaa Xamse Cabdi Barre ayaa muran badan dhalisay maaddaama oo Somaliland iyo Puntland aysan raalli ka ahayn booqashada Xukuumadda Federaalka ah.
Xamse waxa uu xusay in xafiiskiisa iyo maamulka cusub ee SSC-Khaatumo ay isla eegi doonaan xilliga macquulka ah ee uu tagi doono Laascaanood.
Sannadkii 2023 ayaa magaalada Laascaanood laga saarey Somaliland oo muddo dheer ka arriminaysay magaaladaas halka Puntland ay qayb ka ahayd dagaalkii magaalada looga saaray SL.
Maamullada fadhigoodu yahay Hargeysa iyo Garoowe ayaa labaduba siyaabo kala duwan u sheegta magaalada Laascaanood.
Puntland oo la aas aasey sannadkii 1998 iyadu wali way oggoshay ka tirsanaanta Federaalka laakiin waxay aad uga horjeedaan siyaasadda Xukuumadda Xasan Sheekh halka Somaliland ay goonnigoosi ku dhawaaqdey 1991 laakiinse aan wali la aqoonsan.