Khasaaraha duqayntii Xalane + Qaraxyo lagu laayay askar huwan ah + muuqaalka Al-Shabaab oo duqayn ka fulinaysa Muqdisho.

Sunday April 06, 2025 - 14:47:37
Liibaan Jeexoow
Waxaa lasoo bandhigay muuqaal muujinaya jihaadiyiinta Al-Shabaab oo dharaar cad hawl-gallo duqayn ah ka fulinaya gudaha magaallada Muqdisho.
Duqaynta oo halkan aad kasoo daawan karto ayaa dhacday maalinimadii shalay ayay dagaalyahannadu ku beegsadeen xarumaha ay dawladda federaalku ku leedahay gudaha caasimadda.

Xarumaha shalay lagu garaacay hoobiyayaasha waxaa ka mida madaxtooyada Villa Somaliya oo weliba xilligaasi uu ku sugnaa Xasan Gurguurte iyo saraakiil kale oo xukuumaddiisa ka tirsan.

Hoobiyeyaashii ku dhacay gudaha madaxtooyada ayaa lagu soo warramayaa inay geysteen khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burburka hantiyeed.

Sidoo kale dagaalyahannada Al-Shabaab waxay maanta oo Axad ah tiro madaafiic ah ku garaaceen xarunta Xalane ee magaallada Muqdisho.

Warar horu-dhac ah oo soo baxay ayaa sheegaya in madaafiicdaasi lagu gubay 3 gaari oo ay UN-ku leeyihiin iyo 2 guri oo ay deggen yihiin shaqaalaha hey'addaasi.

Wararka ayaa intaas ku daray in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray shaqaalihii ku sugnaa guryaha madaafiicda lagu gubay.

Isla maanta waxaa ka dhacay gobolka Banaadir qarax culus oo xoogagga Al-Shabaab ay ka fuliyeen deggaanka Calamada ee duleedka Muqdisho.

Qaraxan ayaa sida ay wararku tibaaxayaan haleelay baabuur Cabdi Bile ah, kaas oo ay la socdeen booliska DF Somaliya.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya dhimashada 3 askari oo uu ku jiray sarkaal magaciisa lagu sheegay Maslax iyo dhaawaca 3 kale.

Geesta kale iyo gobolka Shabeellaha dhexe waxaa maanta ka dhacay qarax ay dagaalyahannada Al-Shabaab la beegsadeen askar Burundiis ah.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in ugu yaraan 3 askari oo Brundiis ah ay qaraxaasi oo si gaar ah uga dhacay deggaanka Buurane, xilli ay lugaynayeen.


Related Items

Update cookies preferences