Ruushka oo noqday dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada dowladda Islaamiga Afghanistan.

Saturday July 05, 2025 - 17:50:14
1786
Liibaan Jeexoow
War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa lagu sheegay in xukuumadda Moscow ay aqoonsi buuxda siisay Imaarada Islaamiga Afghanistan islamarkaana ay hadda kadib ula tacaamuli doonto sidii dowlad madax banaan oo kale.
Ruushka ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada dowladda Islaamiga ah ee ka curatay Afghanistan tan iyo markii ay Imaaaradu la wareegtay talada dalkaas sanadkii 2021.

Tani ayaa ka dhigan in Imaarada Islaamiga ah ay hadda wixii ka dambeeya sidii hanaan dowladeed oo kale ula falgeli doonto qadiyadaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.

Isku filnaanshiyaha dhaqaale illaa xad iyo dhismaha ciidan awood leh oo ay dhidibada utaagtay Imaarada Islaamiga ah ee dalka ka xoreysay soo duulayaashii Mareykanka iyo NATO ayaa ku riixday xukuumada Moscow in ay ictiraafto awooddan kasoo muuqatay bartamaha qaaradda Asia.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in aqoonsiga rasmiga ah ee ay siiyeen dowladda Islaamiga Afghanistan uu furi doono albaabada iskaashi miro-dhal ah oo labada dal dhexmara.

Waxay intaas ku dartay in aqoonsiga dowladda "Imaaraadka Islaamiga ah ee Afghanistan" uu noqon doono dhiirrigelin lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac iyo dowladaha kale ee mandiqadda ay nidaamka Afghanistan ula macaamilaan si mas'uuliyad leh.

Dhinaca kale wasaaradda arrimaha dibadda ee Afghanistan ayaa qoraal ay ku daabacday barteeda X waxay ku sheegtay in safiirka Ruushka ee KabulDimitri Zhirnov uu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Amir Khan Muttaqi islamarkaana uu u gudbiyay go’aanka Kirimilliinka ee ah in la aqoonsaday dowladda Imaaraadka Islaamiga ah.

Wasiir Muttaqi wuxuu tallaabada Ruushka ku tilmaamay mid geesinimo leh oo mudan in la bogaadiyo, isagoo rajeynaya in dalal kale ay raacaan wadada Ruushka si ay ula macaamilaan dowladda Islaamiga Afghanistan.

Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay Calanka Towxiidka ee astaanta u ah Imaarada Islaamiga ah oo ka lalmanaya dhismaha safaaradda Afghanistan ee Ruushka taasi oo ka dhigneed in astaanta rasmiga ah ee reer Afghanistan ay tahay Raayada Towxiidka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dowlado ay kamid yihiin Shiinaha,Sacuudiga iyo Pakistan ay suuragal tahay in ay Ictiraaf dowladeed siiyaan Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan.

Amiirka Imaarada Islaamiga ah ayaa lasoo dhaafay Khudbaddii Ciiddul Adxaa ku sheegay in nidaamka ka jira wadanka Afghanistan uu yahay nidaam dowlad ah oo bixinaya dhammaan adeegyada bulshada ayna barwaaqadaas ku gaareen ku dhaqanka Shareecada Islaamka, khudbadda amiirka waxaa ka mid ahaa in aysan weligood aqoonsi ka baryi doonin Q.Midoobay iyo reergalbeedka.

Related Items

Update cookies preferences