Dhalinyaro Soomaaliyeed oo dhimasho iyo dhaawac loogu geystay magaallada London.

Sunday March 23, 2025 - 12:33:54
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya magaalada London ee caasimada wadanka Ingiriiska ayaa ku waramaya in toogasho ka dhacday halkaasi lagu beegsaday dhalinyaro Soomaali ah.
Toogashada ayaa si gaar ah waxa ay uga dhacday xaafada Tottanham ee Waqooyga Magaalada London kadib markii koox hubaysan ay rasaas ku fureen dhalinyaradaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa falkaasi lagu dilay hal wiil, halka uu dhaawac kasoo gaaray mid kale.

Ruux Soomaaliga ah ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Mahad Abdi Mohammed, kaas da'diisa lau sheegay 27 sano jir.

Booliska dowladda Ingiriiska ayaa gaaray goobta uu falku ka dhacay iyaga oo sheegay inay gacanta kusoo dhigeen kooxdii falkaasi geysatay.

Tani ayaa qey ka ah dhiaatooyinka ay Soomaalidu ku wajahayaan qurubaha , kuwaas oo booqollaal ka mid ah lagu dilo dalaalka ay qaxooti ahaanta ugu joogaan.

FG: Si aad u hesho wararka degdegga ah kusoo biir Channel-kayagana cusub: https://t.me/+fgpQcPdzzy4wZDQ0

Related Items

Update cookies preferences