Maamulka Taiwan ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii shaley ka soo yeeray Dowladda Shiinaha. Safaaradda Taiwan ku leedahay maamulka Somaliland oo warmurtiyeed soo saartey jawaab ka bixisey hadalladii Safiirka Shiinaha.
"Taywaan iyo Shiinaha midna midkale kuma tiirsana, Shiinuhuna waligii ma maamulin Taiwan daqiiqadna”. Maamulkani waxa uu intaa ku darey in ay baan abuur tahay sheegashooyinka tibaaxaya in Taywaan qayb ka tahay Shiinaha.
Dhanka kale warsaxaafadeedka ka soo baxay Taiwan waxa lagu xusay in Guddida Amniga ee Mareykanka ee maamulka Trump ay bogaadiyeen xiriirka Somaliland-Taiwan ee soo bilaabmay 2020.
Geesta kale Wasiirka Dibedda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir oo u warramay warbaahinta Ingiriiska ee BBC waxa uu ka dhawaajiyey in aanu garanayn sababta Shiinuhu uga xun yahay xiriirka ay la sameeyeen Taiwan.
"Ma garanayno sababta Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya u dhibsanayo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, haddii aanu xiriir la leenahay Taiwan, waxaanu ka mid nahay dalal kale ee adduunka ah oo xiriir la leh, arrintaasina waxba u dhimayso xiriirka annaga iyo Shiinaha aanu yeelano” Wasiirka Dibedda SL
Tan ayaa ka dambaysay ka dib markii Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya uu sheegay in Taywaan tahay qayb kamid ah dalweynaha Shiinaha isla markaana uu Somaliland uga digay xiriirka ay la samaynayso qayb kamid ah dalkiisa.
FG: Wararka deg-degga ah kala soco channel-ka Telegramka ee https://t.me/+Cse3evQ1fh0yZTA0