Ruushka oo Itoobiya ku qalqaalinaya xayuubsiga Badda Soomaaliya.

Saturday March 15, 2025 - 16:20:14
Liibaan Jeexoow
Dawladda Ruushka ayaa heshiisyo dhinaca Badda ah la gashay dawladda Xabashida Itoobiya oo ka mida dalalka aan Badda lahayn, balse haatan u tafa-xaydan inay Bad ka xayuubsato dalka Soomaaliya.
Wefti ka socda dawladda Ruushka oo safar shaqo ku jooga Itoobiya ayaa booqday goobo lagu sheegay xarumaha ciidamada Badda oo maamulka Abiy Axmed uu ka samaystay magaallada Bishoftu oo 45KM dhanka koonfureed kaga beegan caasimadda Addis Ababa.

Muddadii ay booqashadaasi u socotay ayaa weftiga Ruushka iyo dawladda Itoobiya waxay ka wada-hadleen iskaashiga suurtagalka ah ee labada dal ay ka samayn karaan Badda, iyadoo diiradda la saarayo tababarrada iyo tayaynta ciidanka.

Wafdigan ka socday dalka Ruushka ayaa waxaa hogaaminayay taliye-ku-xigeenka ciidamada Badda ee Ruushka Admiral Vladamir Vorobyev, sida uu sheegay mas’uul ka tirsan ciidanka Xabashida Itoobiya.

Labada dhinac waxay hoosta ka xariiqeen sida ay uga go’an tahay xoojinta horumarka iyo diyaargarowga ciidamada Badda ee Itoobiya. Waxaana la saxiixay heshiis lagu xoojinayo iskaashiga iyo dedaallada wada-jirka ah ee ciidamada Badda.

Ma aha markii u horreysay oo wefti caynkan oo kale ah uu booqasho ku tago Itoobiya, balse waxaa ka horeeyey wefti ka socday ciidamada badda ee Ruushka oo booqday Itoobiya sanaddii 2022, kaas oo Itoobiya ku dhiiri-geliyey sidii ay u xoojin lahayd damaceeda Badeed.

Waxaana la xasuustaa in bil ka dib, Kindu Gezu, oo xilligaas ahaa taliyaha guud ee ciidamadii Badda ee la dhisayay ee Itoobiya ayaa sheegay in ay dhisayaan ciidan-badeed awood u leh inay ka hortagaan weerarada gudaha iyo dibadda.

Heshiiskii xaaraanta ahaa ee Abiy Axmed iyo Muuse Biixi kala saxeexdeen ee Itoobiya ay doonaysay inay ku xayuubsato qaybo ka mida Badd Soomaaliya ayaa weli u muuqda mid uu maamulka Addis Ababa ku dheggen yahay.
 

Related Items

Update cookies preferences