Hay'adda EUCAP oo la kulantey xubno ka tirsan Somaliland.

Saturday March 08, 2025 - 08:15:15
Liibaan Jeexoow
Hay'adda EUCAP ee Reergalbeedka u qaabilsan badaha ayaa la kulantay Ciidanka Xeebaha ee maamulka isku magacaabey Somaliland.
Hay’adda EUCAP iyo maamulka ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan ‘hubka sharcudarrada ah’ ee mara Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Waxa kale oo shirkaas lagu gorfeeyay sida xoguhu sheegayaan Burcad-Badeedda, kalluumeysiga iyo ilaalinta amniga maraakiibta marinka Gacanka Cadmeed.

Somaliland shirka waxa ku metelayay Taliyaha Xeebaha maamulkaa Axmed Haarriye halka hay’adda EUCAP ay ku metelayeen hoggaanka howlgelinta oo lagu magacaabo Kestutis iyo xubno kale.

Muddooyinka dambe waxa qalqal amni ku yimaaddeen maraakiibtii Baabul Mendabka iyo Badda Cas kuwaas oo beegsi kala kulmayey Ciidanka Yeman gaar ahaan kooxda Xuutiyiinta.

Tan iyo bilowgii dagaalka Falastiin Xuutiyiintu waxa ay wadeen beegsiyo ka dhan ah maraakiibta Reergalbeed ee u socda Yuhuudda.

Ka dib xabbad-joojintii dhawaan dhacday Ciidanka Yemen waxa ay hakiyeem beegsiyadii waxa se laga cabsi qabaa in haddii xabbad-joojintu burto in dagaalku halkii ka sii socon doono.


Related Items

Update cookies preferences