Addis Standard oo ah wargeys caan ah oo madaxbannaan oo laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa maanta baahiyey maqaal dheer oo Itoobiya ku tirtirsiyey sidii ay uga faa'idaysan lahayd fursadda dahabiga ah ee ay ka heshay maamulka daba-dhilifka ah ee Somaliland, una hir-gelin lahayd heshiiskii xaaraanta ahaa ee Jannaayo 2024 ay kala saxiixdeen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.
Maqaalkan oo uu qoray nin lagu magacaabo Aadam Daa’uud Axmed oo wargeysku sheegay inuu yahay falanqeeye diiradda saara arrimaha amniga ee Geeska Afrika, ayaa sheegay in heshiiska MoU-gu uu Itoobiya usoo bandhigayo wax ay ka maqnayd in ka badan 30 sano.
Is-afgaradkan ma aha oo kaliya heshiis ganacsi, Waxay fursad dahabi ah u tahay Itoobiya inay isu taagto awoodda koowaad ee Geeska Afrika. Doorashadu waxay u taal Itoobiya: ma ka faa'iidaysan doontaa fursaddan mise waxay noqon doontaa dhibbane cadaadis dibadeed oo wiiqi kara danaheeda istiraatijiyadeed ee fog? ayaa lagu yiri maqaalkan.
Warbixinta ayaa hoosta ka xariiqday in MoU-gu uu Itoobiya siinayo wax ay weligeed jeclayd oo ah in ay si toos ah u gasho Badda, kaasoo ay ku hanan doonto 20 KM oo ah xeebta Somaliland, deked iyo saldhig ciidan oo aanay dawlad kale oo jaar ahi bixin karin.
Sidoo kale qoraha maqaalkani waxa uu sheegay in heshiiskani uu Itoobiya siin doono madax-bannaani dhaqaale oo hoos u dhigi doonta ku-tiirsanaanta Jabuuti, waxayna siinaysaa joogitaan istiraatiiji ah oo ku taal Badda Cas, oo ka mid ah marin-biyoodyada ugu muhiimsan adduunka.
Warbixintu waxay sidoo kale dul istaag ku samaysay Somaliland, waxaanay sheegtay inay tahay lamaane istiraatiiji ah oo xasilloon oo Itoobiya ay leedahay. Waxaana deggenaanshaha iyo nabadgelyada ka jirta Somaliland ay ka dhigaysaa saaxiibka ku habboon himilooyinka Badda ee Itoobiya.
Warbixintu waxay xustay in Soomaaliya aanay haysan damaanad-qaad awoodeed oo ay kaga talin karto dhulkeeda, maadaama ayay tiri ay joogaan kooxo xag-jir ah. Balse Somaliland waxay si buuxda u haysataa dhulkeeda in ka badan 30 sano, dawladdeeduna way fulisaa heshiis kasta oo ay gasho.
Soomaaliya wax ka badan soddon sano awood uma yeelan dhulka Somaliland. Runtii, dowladda Soomaaliya weli ma awooddo inay maamusho xitaa Muqdisho oo ah caasimadda, oo had iyo jeer halis ugu jirta khatarta argagixisada iyo qalalaasaha siyaasadeed.
Intaa waxa dheer ayuu yiri qoraagu, mawqifka Somaliland ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed aad ayuu uga muhiimsan yahay xeebta badweynta Hindiya ee Soomaaliya oo aad uga fog. Sidaas darteed, Somaliland waa saaxiibka dabiiciga ah ee danaha gobolka ee Itoobiya.
Qormadan lagu daabacay Wargeyska ayaa geesta kalena magac-dhabtay waxyaabaha ay Itoobiya ku waayi doonto haddii ay dayacdo fursaddan dahabiga ah oo ay ka mid tahay luminta marinkii Badda, taas oo Itoobiya ka sii fogaynaysa ayaa la yiri arrimaha muhiimka ah ee gobolka.
Haddii ay ka baxdo heshiiska is-afgaradka, Itoobiya waxay inkiri doontaa ayuu yiri qoraagu faa'iidooyin dhaqaale oo muhiim ah, iyadoo ku tiirsanaan doonta khadadka ganacsiga ee qaaliga ah iyo kuwa aan la isku halayn karin.
Maqaalkan ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay haddii Somaliland amnigeeda uu khalkhal ku yimaaddo inay abuuri karto marnaan ama hubanti la’aan amni, taasoo albaabada u furaysa fidinta xagjirnimada iyo fara-gelinta shisheeyaha.
Haddii Turkigu uu sii wado taageerada uu u fidinayo Soomaaliya oo uu iska indho-tiro doorka Somaliland, waxa ay halis u tahay in gobolka Geeska Afrika uu sii khalkhal-geliyo danaha uu ka leeyahay siyaasadda juqraafiyeed, ayaa lagu yiri warbixinta mar lagu soo hadal-qaaday siyaasadda Turkiga ee gobolka.
Ninkan magaca Soomaaliga wata ee maqaalkan qoray ayaa yiri "Go'aanka Itoobiya ay ku saxeexday heshiiska is-afgaradka ah ee Somaliland waa aqoonsi dhab ah oo ku saabsan xaqiiqadan juqraafiyeed ee cusub. Si loo sugo gelitaanka Badda Cas, Itoobiya waxay sugi doontaa mustaqbalkeeda dhaqaale iyo saamaynteeda juqraafiyeed”.
Isku soo wada xooriyoo, qormadan uu maanta sida badheedhka ah u baahiyey wargeyska Addis Standard oo lagu sheego wargeys dhex-dhexaad ah ayaa muujinaysa sida qaybaha kala duwan ee Xabashida Itoobiya ay dhammaantood uga go'an tahay xayuubsiga qaybo ka mida Badda Soomaaliya.