Taliye ku xigeenkii hore ee Sirdoon oo afka furtay kana dhawaajiyey fashilka Gurguurte iyo filashada Al-Shabaab [WARBIXIN].

Saturday November 02, 2024 - 08:18:30
Liibaan Jeexoow
Agaasime kuxigeenkii hore ee hey'adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA C/Salaan Guuleed oo bixiyey waraysi xasaasiya ayaa daboolka ka qaaday fadeexadaha is-barkan iyo fashilka ku habsaday Xasan Gurguurte iyo filashada Al-Shabaab ee bilaha soo socda.
C/Salaan Guuleed oo ugu horreyn waxa laga waydiiyey shirkii Golaha Wada-tashiga Qaranka ee dhawr cisho ka hor Muqdisho lagu soo gunaanaday ayaa go'aannadii kasoo baxay ku tilmaamay wax ceeb ah oo lala yaabo oo xikmad-darro iyo qar iska xoornimo ku salaysan.

Guuleed ayaa dhanka kalena soo dhaweeyey jawaabtii Axmed-madoobe iyo siyaasiyiinta mucaaradku ay ku daadafeeyeen go’aannadii shirkaasi. Isagoo xusay in Lafta-gareen oo gadh-wadeen ka ah maamulka kaliya ee Gurguurte kusoo hadhay ee aan Hawiye ahayn uu isna dhawaan isaga tagi doono.

Lafta-gareen ayuu sheegay in uu wajahayo gacan-haadisyo badan oo uga imanaya Deni iyo Axmed-madoobe iyo weliba Itoobiya oo ku cadaadinaysa inuu ka hoos-baxo kooxda Villa Somaliya. Waxaanu ka dhawaajiyey haddii ay taasi dhacdo in Xasan Gurguurte ay kusoo hadhayaan oo kaliya labo maamul-goboleed oo Hawiye ah, taasina ay muujinayso midnimadii oo meesha ka baxday.

Gunaanadka siyaasiyadda Gurguurte ayuu saadaaliyey inay kusoo idlaanayso tubtii Farmaajo oo kale, maadaama uu bilaabay ayuu yidhi ciidan urursi jufadiisa ah. Isla markaana ciidamo Eretriyaan ah oo uu dalbadayna haddii ay yimaaddaan ay ugu horreyn isaga khaarajin doonaan.

C/Salaan Yaasiin oo soo hadal-qaaday markabkii dhawaan yimi Muqdisho ee la sheegayay inuu shidaal soo saarayo, ayuu si cad u sheegay in aanu ahayn sida loo dhigayo balse uu yahay, Markab dalxiis oo Turkigu ugu talo-galay in uu ku socodsiiyo siyaasaddiisa arrimaha dibadda, kaas oo bilo ka hor joogay dalal kale.

Waxa uu ka dhawaajiyey in markabkani aanu ahayn wax Soomaaliya loo soo diray, isla markaana aanu shaqo ku lahayn Shidaal, Amni iyo Dhaqaale toona, balse uu yahay Markab Turkigu ku gadanayo siyaasaddiisa arrimaha dibadda, horeyna ugu soo xidhay dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo Jabuuti.

C/Salaan ayaa tilmaamay in fahamka kooxda Villa Somaliya uu aad u liito, isla markaana ay ceeb u soo jiideen ummadda Soomaaliyeed, kadib markii dhawaan afar nin oo Gen. Goobbe hoggaaminaayo ay kasoo muuqdeen iyagoo dhexda u fadhiya shir-weyne dumar oo caalamiya.

Dhacdadaasi ayuu sheegay C/Salaan Yaasiin in aad loola yaabay looguna maadaystay, isla markaana muuqaal aad u fool-xun ay ka bixisay dalka Soomaaliya, iyadoo dadyowga qaarkood ay ka aamineen in Soomaaliya ay joogaan Rag fara badan oo qoomu-luud ah oo Naago isku bedelay.

C/Salaan waxa uu xusay in Xasan Gurguurte uu guul-darro kala soo kulmay wax uu ku tilmaamay dawwaaf-siyaasadeed oo dhawaan uu kusoo maray dalalka gobolka ee ciidamadooda ka joogaan dalka Soomaaliya. Waxaanu sheegay in shir dhawaan ka dhacay New York la isku fahmi waayay cidda bixinaysa dhaqaalaha ku baxaya hawl-galka cusub ee AUSSOM.

Ma jiro ayuu yidhi C/Salaan Yaasiin waddan huraya dhaqaalihiisa oo ku bixin doona Soomaaliya, iyo waliba sidoo kale waddan afrikaan ah oo dakhli la’aan ciidan u huraya dalka Soomaaliya. Isagoo dhanka kalena carrabka ku dhuftay haddii Itoobiya baxdo in aanay jirin cid beddeli karta oo aan ka ahayn Xarakada Al-Shabaab.

Su’aal ku saabsanayd waxa la filan karo dabayaaqada sannadkan ama bilawga sanadka cusub ee 2025, ayuu C/Salaan Yaasiin sheegay in rajada uu ka qabo Soomaaliya aanay qurux badnayn, isagoo soo hadal-qaaday qaylo-dhaan uu horey u soo saaray oo ahayd Soomaaliya oo noqota Afganistaan oo kale iyo Al-Shabaab oo si dhamaystiran ula wareegta guud ahaaan dalka Soomaaliya, isagoo carabaabay in wakhti xaadirkanba ay qabsadeen dhul aad u fara badan.

Mar wax laga waydiiyey Donald Trump iyo saamayntiisa Soomaaliya haddii uu doorashada Maraykanka ku guulaysto ayaa waxa uu sheegay in rajadu u badan tahay in isagu guulaysanayo, haddii taasi dhabowdana ay meesha ka bixi doonta gacan-siintii ciidanka Danab iyo Drones-kuba, isla markaana uu dalku geli doono khatar amni.

Isbahaysiga Masar, Eretriya iyo Soomaaliya ayuu C/Salaan Yaasiin ku tilmaamay mid aan micno buuran lahayn oo kaliya loo samaystay Xuuxinta Itoobiya iyo Xasarad-abuur, isla markaana uu la mid yahay Isbahaysigii 2018 ee Abiy, Afawerki iyo Farmaajo.

Hubkii dhawaan dawladda Masar ay kusoo daldashay Soomaaliya ayuu C/Salaan Yaasiin ku tilmaamay inuu ahaa hub duug ah oo aan anfacayn Soomaaliya, kaas oo lagu galay ayuu yidhi dagaalkii labaad ee adduunka isla markaana madaafiicdii goobta ee la jiidayay ay haatan yaallaan madxafyada Ingiriiska.

Ugu dambayntii C/Salaan Yaasiin ayaa sheegay in madaxda haysa hoggaanka dalku ay yihiin niman iska hurda oo dhaca dadka u soo tafo-xaytay kuna jira dhaqaale-urursi, kuwaas oo uu sheegay in marka dambena cudurro halis ah iyo xaalad caafimaad-darro ay lasoo deristo, lacagtii xaaraanta ahayd ee ay urursadeenna kaga dhammaato cisbitaallada Turikiga iyo Hindiya.

Related Items

Update cookies preferences