Wasiirka khaarajiga Soomaliya oo shaaca ka qaaday in ujeedka dhabta ah ee Itoobiya yahay goosashada dhul Soomaaliyeed

Friday October 04, 2024 - 14:36:13
Liibaan Jeexoow
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo hadal ka jeediyey shir uu yeeshay waxa loogu yeedho golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa shaaca ka qaaday ujeedka dhabta ah ee Itoobiya ka leedahay joogitaankeeda Soomaaliya.

 

Wasiirka ayaa sheegay in joogitaanka Itoobiya ee Soomaaliya uu yahay mid ay ku rabto sidii ay ugu goosan lahayd dhul Soomaaliyeed, isla markaana sheegashadeeda ah inay argagixiso la dagaallamaysana aanay waxba ka jirin.

"Sheegashada ah in Itoobiya ay Soomaaliya u joogto la-dagaallanka argagixisada, waa marmarsiyo lagu doonayo ujeedada dhabta ah ee ay ku qabsanayso kuna goosanayso dhulka Soomaaliya…” Ayuu yidhi Axmed Macalin Fiqi.

Fiqi oo dhanka kalena ka hadlaya waxa uu daaran yahay daan-daansiga Itoobiya ee dalalka deriska ah ayaa waxa uu yidhi "Ujeedada dhabta ah ee ka dambaysa cadaawadda ay beryahan dambe ku wajahayso dalalka deriska ah, waa isku day ay ku doonayso in dareenka lagaga weeciyo arrimaha halista ah ee gudaha dalkaasi ka jira..”

"Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn, xaq uma laha inay Soomaaliya ka dhisato saldhig ciidan-badeed. falalka caynkaasi ah waxay xad-gudub ku yihiin sharciga caalamiga ah, waxaanay khatar ku yihiin xasilloonida gobolka…” Ayuu Fiqi hadalka sii raacshay.

Wasiir Fiqi ayaa dhanka kalena Itoobiya ku eedeeyey inay saddexdii bilood ee lasoo dhaafay dalka Soomaaliya ay kusoo daabushay shixnado hub ah. Waxaanu ka dhawaajiyey inay gacanta ku dhigeen saddex shixnadood oo hub culus ah oo laga soo gudbiyey xuduud-beenaadka Itoobiya.

Ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee UN-ka James Swan oo isna ka warbixiyey xaaladda Soomaaliya ayaa goobtaasi ka jeediyey hadallo hoosaasineed, waxaanu Itoobiya iyo Soomaaliya ugu baaqay inay si niyad-sami ah ku yeeshaan wada-hadallo diblumaasiyadeed oo ay ka fogaadaan falalka keeni kara xiisado hor leh.

"Waxaan Itoobiya iyo Soomaaliya ku boorrinayaa in ay si niyad-sami leh uga qayb-galaan dedaalladan diblumaasiyadeed iyo in ay ka fogaadaan falalka horseedi kara sii hurinta xaaladda taagan…” ayuu yidhi James Swan.

Itoobiya oo aan waxba iskaga tirin hadallada kasoo yeedha kooxda Villa Soomaaliya ayaan weli dhankeeda soo saarin wax jawaab ah oo ku aaddan hadalka wasiirka. Isagoo hadalkani kusoo aadaya xilli ay dawladda Soomaaliya u xusul-duubayso sidii Itoobiya looga reebi lahaa soo-duulayaasha mustaqbalka ee Soomaaliya.

 

Related Items

Update cookies preferences