Qarax 4 Askari Lagu Dilay oo Degmada Wardhiigleey Ka Dhacay Xilli Wasiirrada IGAD Xalane Ku Shirayeen.

Thursday January 08, 2015 - 13:16:34
Super Admin
Xilli kumanaan katirsan ciidamada shisheeye iyo kuwa Dowladda Federaalka lagusoo daadiyay waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa weerar khasaara badan dhaliyay lagu qaaday DF-ka.


Maanta duhurkii ayaa qarax ka dhashay miino dhulka lagu aasay lala helay gaari nuuca dagaalka ah oo ay la socdeen ciidamo katirsan melleteriga dowladda Federaalka.

Qaraxa oo ka dhacay xaafadda Xamar Bile ee degmada Wardhiigleey waxaa ku dhintay ugu yaraan 4 askari iyadoona burbur xooggan uu gaaray gaariga la beegsaday.

Goob joogayaal ayaa sheegay in gaariga laqarxiyay uu rogmaday taasi oo sii kordhisay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah ee askarta gaaray.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli wasiirrada arrimaha dibadda Uruka IGAD ay shir  ku leeyihiin xarunta Xalane ee duleedka magaalada Muqdisho halkaasi oo ah saldhigga ugu weyn ee shisheeyaha AMISOM Soomaaliya ku leeyihiin.

Related Items

Update cookies preferences