Dagaalkii Gaadaay iyo dareenka Beesha Sacad W/Q Muudey Macoow.

Thursday October 05, 2023 - 13:29:59
Liibaan Jeexoow
qaar kamid ah askartii iyo saraakiishii lagu dilay Gaaday
qaar kamid ah askartii iyo saraakiishii lagu dilay Gaaday
Shalay barqadii illaa maqribkii, waxay dagaallo qaraar ka dheceen deegaanka Gaaday ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ay ciidamada DF, kuwa maamulka Galmudug iyo kuwa beesha Sacad weerar ku qaadeen ciidamo Al-Shabaab ah oo difaacyo ku leh dhulka hawdka ah ee duleedka degmada Wisil.
Dagaalka waxaa ka dhashay khasaare aad ballaaran oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Khaasaaraha ugu weyn wuxuu soo gaaray maleeshiyada beesha Sacad ee kasoo duushay Wisil waxaana dhimashada dagaalkaas aad looga dareemay degmooyinka iyo deegaanada ay beeshu degto iyo baraha bulshada oo aad loosoo dhigayay sawirrada saraakiisha iyo maleeshiyada lagu laayay dagaalka.

Saaka waxaan xog-waraystay deegaannada ay degto beesha Sacad ee koonfurta Mudug,laga billaabo Wisil, Gallinsoor, Bajeelle, Hobyo, Bandiiradleey illaa Gaalkacyo.

Halkaas waxaa jirta tacsi iyo baroor-diiq aad u badan,dadku waxay is waydiinayaan sababta ay maleeshiya beeshu u gashay dagaalka Shabaab, maadaama aysan jirin dhul ay beeshu leedahay oo ay xarakadu haysato.

Dadka badankiis waxay isku raacsanyihiin in dagaalkaan uu ahaa mid aanan talo Sacad oo loo dhanyahay lagu gelin balse siyaasiyiin dano gaar ah leh ay uga faa'iideysteen si ay dhaqaale iyo xilal uga helaan maamulka Xassan Gurguurte.

Sidee maleeshiyada beesha loogu qanciyay dagaalka?

Inta badan mooriyaanta beesha ee dagaalka lasoo geliyay been ayaa loo soo sheegay Waxaa lagusoo qanciyay in dagaalyahanada Shabaabka ah ee ku sugan gobolka Mudug ay tiro ahaan aad u yaryihiin, saraakiishoodii ka maqantahay, niyadoodu hooseyso, nafaqaduna ku yartahay. Sidaas waxaa si guud iyo si gaar ahba u sheegay Axmad Macalin Fiqi oo tilmaamay in ciidamada Shabaabka ah ee gobolka ku sugan ay qoryahay qaadi la'yihiin tabar-darro daraadeed. Waxaan daawaday tiro dhawr jeer isagoo hadal noocaas ugu khudbaynaya ciidamo iyo dad shacab ah intaba. Mooriyaanta beesha oo hadalka Fiqi run mooday ayaa usoo baxay si ay qoryaha uga soo qaataan dhalinyarada Shabaabka ah ee xaaladooda looga soo waramay, balse markii dagaalku billawday waxaa soo baxay in warkii Fiqi sheegay iyo waaqica jiraa ay kaaf iyo kala-dheeri yihiin.

Dadka aan waraystay ee ka dhashay beesha Sacad isla markaasna xog-ogaalka u ahaa wixii ka dhacay Gaaday waxay aaminsanaayeen in ciidamada Shabaabka ah ee ku sugnaa goobta dagaalka ay ka badnaayeen 1,000 (laba kun) oo askar waa sida ay iyagu sheegeene, ku jireen dhufaysyo ay adagtahay in loogu galo, kuna qalabaysnaayeen hub culus iyo mid fudud intaba. Arinkaas wuxuu fajaciso iyo filanwaa ku noqday colkii duullaanka ahaa. Waa sababta keentay in saraakiishii hogaaminaysay dagaalka ay goobta ku wada dhintaan, sidoo kalena maleeshiyo badan goobta lagu laayay iyagoo ku kor dagaalamay saraakiisha dhimatay.

Saraakiisha la laayay, Zuugagaa ku xiga.

Mar aad gobollada dhexe joogto, qabaa'ilku waxay iskugu faanaan waa inta saraakiil ciidan ah ee beeshaas ka dhalatay, iyo tirada qoryaha Zuu-ga loo yaqaano uu reer walba leeyahay. Beesha Sacad marka aan usoo laabano, waxay leedahay tiro qoryahaas Zuuga ah oo ay kula dagaalamaan beelaha kale ee dariska la ah. Saraakiishii ku dhimatay dagaalkii Gaaday waxay ahaayeen kuwii ugu caansanaa ee maleeshiyada beeshaas ku hogaamin jiray dagaallada Mudug. Maanta oo ay qaar badan oo saraakiishaas ah ku dhimatay dagaalkii Gaaday, waxa xiga waxay noqon doonaan qoryaha Zuugaga ah oo soo gala gacanta Shabaabka ama lagu gubo goobaha dagaalka. Waa hadii aysan horjoogayaasha beeshu la imaanin caqli ka duwan midkaan qar iska xoornimada ah ee ay ku hogaaminayaan siyaasiyiinta danaystayaasha ah, sida Axmad Fiqi, Liibaan shuluq, Cabdi Qaybdiid iyo Dhabancad.

W/Q. Mudey Mocow.

FG: Fikirku wuxuu ugaar yahay qoraaga SOMALIMEMO looma tiirin karo


Related Items

Update cookies preferences