Sanad Cusub oo usoo galay Muslimiinta Caalamka 1446 Hijri [Warbixin].

Sunday July 07, 2024 - 08:03:23
Super Admin
Maanta oo Axad ah 07,July,2024 waxay ku beegantahay 1,1,1446 Hijri waxaana muslimiinta usoo galay sanad cusub kadib markii ay dhameysteen sanaddii 1445 Hijri.
Nasiib darrada jirta ayaa ah in Dad badan oo muslimiin ah aysan la socon taariikhdooda kadib markii reer galbeedka nasaarada ah ay maskaxda uga shubeen taariikh aan taariikhdooda aheyn iyo dhaqamo aan dhaqamadooda aheyn.

Sanadkan cusub ee Hijriga ayaa muslimiinta u ah bishaaro wuxuuna sanadkan imaanayaa xilli  Jihaadiyiinta caalamka ay guulo ballaaran kasoo hooyeen halgankooda ku aadan dib usoo nooleynta khilaafadii islaamka ee burburtay.



Muslimiinta Afghanistan sanaddan wuxuu imaanayaa iyagoo ka xoroobay gumeystaha shisheeye ee wadankooda duullaan ku joogay waxkabadan 21 sanadood.

Muslimiinta Soomaaliya sanadkan cusub ee Hijriga wuxuu imaanayaa xilli jihaadiyiintu ay cadaw jinsiya kala duwan leh lahalgamayaan ayna guulo muuqda ka gaareen halgankooda gumeysi diidka ah.

SOMALIMEMO: Allaah waxaan ka baryaynaa in inta sanadkan 1446 Hijriya lagu guda jiro uu dalkeena Soomaaliya nooga xureeyo gumeystaha

Related Items

Update cookies preferences