XOG CUSUB: Waxaa sii kordhay khasaaraha maleeshiyaadka Gurguurte kasoo gaaray weerarkii Masaajid Cali Guduud.

Wednesday March 26, 2025 - 14:27:24
Liibaan Jeexoow
Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyey waxaa sii kordhaya khasaaraha gaaray maleeshiyaadkii Gurguurte ee saaka laga fara-maroojiyey degmada Masaajid Cali Guduud ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in dhimashadu ay gaartay ugu yaraan 15 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka DF Somaliya, 6 kalena lagu dhaawacay.

Tirada maxaabiista gacanta lagaga dhigay iyagu waa sidii ay xarakada Al-Shabaab horey u sheegtay oo ah 5 maxbuus, oo qaarkood markii la waraystay sheegay in saaxabadii ay goobta kaga carareen.

Geesta kale warar aanu goor dhawayd helnay ayaa tibaaxaya in odaygii Xasan Gurguurte oo ku sugnaa Cadale loola cararay Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa lagula baxsaday diyaarad Helicopter ah, kadib markii sida la sheegay ay kusoo dhawaadeen dagaalyahannada Al-Shabaab.

Dagaalyahannada Al-Shabaab yaa haatan ku sugan deegaanka Geel-gub oo 24km oo kaliya u jirta Cadale, waxaana Gurguurte oo fakad ah goor dhawayd laga dejiyey magaallada Muqdisho.

Sida la ogyahay Gurguurte ayaa horey wacad ugu maray inuusan Cadale ka soo tegi doonin ilaa inta Al-Shabaab laga saarayo guud ahaan Shebeellada dhexe.

Wacadkaasi uu Xasan Gurguurte jeediyey ayaa beenoobay kadib markii uu lexejecleeyey lafihiisa, una baxsaday dhankaa iyo Xamar. Xagga hoose kaga bogo sawirradii la baahiyey ee weerarkaasi.

Si aad u heshaan warar iyo warbixinno kusoo biira Channelka SOMALIMEMO https://t.me/+11KcnfGSyV1kMjNk.

Related Items

Update cookies preferences