Mid ka mid ah xilidhibaanada baarlamaanka DF Somaliya ayaa sheegay in xukuumada Gurguurte ay dowladda Turkiga la gashay heshiiso kala dhowr ah waliba iyadoo aanan lasoo marin oo aann la hor keenin baarlamaanka.
Waxa uu sheegay in kooxda Villa Somaliya aysan dhaqaalaha dalka ku badalan wax nafci aanan u lahayn bulshada taasoo ka dhigan in Gurguurte uu si beylah ah u bixinayo hantida umaddan Soomaaliyeed.
Waxa uu sidoo kale xilidhibaankan sheegay in ku dhawaad 20 heshiis ay soo gashay kooxda Gurguurte waliba muddo kooban gudeheeda balse kan Turkiga uu yahay midka ugu khatarta badan, xukuumada Ankarana ay maanta xoog ku heysato ilaha dhaqaale ee ugu mihiimsan wadanka.
Xildhibaankan oo lagu magacaabo Kooshin ayaa isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu tilmaamay Turkigu uu maraayo Ilaa heer uu gaaray in badeecada dalka soo gala ilaa boqolkiiba 80 loo xiro dowladda Turkiga.
DF Somaliya ayaa har iyo habeen sida tan isku hor waji gabxiya warbaahinta horteeda, maadaama qaar ka mid ah xilidhibaanadu ay ka amakaageen sida Xasan Sheekh Maxamuud uu xaraash iyo xoola jaban uga dhigay hantidii guud ee dalka iyo midii gaarka ahayd intuba.