Rasaas Laga Maqlay Magaalada Garowe iyo Maleeshiyaad Qabsaday Xarun Muhiim ah.

Tuesday August 05, 2014 - 19:16:05
Super Admin
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shaqaaqooyin maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal islamarkaana uu gacanta ku hayo maamulka Puntland.


Wararka ka imaanaya Garoowe ayaa sheegaya in maleeshiyo beeleed taabacsan Cabdi Raxmaan Faroole hoggaamiyihii hore ee maamul ku sheegga Puntland ay qabsadeen xarunta Telefeshinka iyo Raadiyaha Garowe ayna kala eryeen dhammaan shaqaalihii ka howlgelayay.

Rasaas teel teel ah ayaa laga maqlayaa xaafado katirsan magaalada Garoowe iyadoona ay is hor fadhiyaan maleeshiyaadka Faroole taabacsan iyo kuwa Cabdi Wali Gaas.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dhax dhaxaadin ay sameeyeen odayaasha dhaqanka gobolka Nugaal oo ay ku doonayeen in maleeshiyaadka ay ku qanciyaan in ay isaga baxaan dhismaha Telefeshinka uu socan waayay kadib markii maamulka Cabdi Wali Gaas uu ka biya diiday dalabka maleeshiyaadka hubeysan.


Kooxaha hubeysan ee isku fidiyay xaafadaha Garoowe waxay ku andacoonayaan in lagu qadiyay shaqooyinka ugu muhiimsan ee maamulka iyagoo muddo sanada ah lasoo shaqeynayay Faroole,siyaasiyiin iyo salaadiin ayaa horay ug digay Cabdi Wali Gaas in uu iska fogeeyo raggii lasoo shaqeeyay Faroole balse waxaa muuqata in uu ka madax adayga taladii horay loogu jeediyay.


Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items

Update cookies preferences