Maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya ayaa habeennimadii xalay tuulada Yuunbis ee hoostagta deegaanka Sabiid ku xasuuqay qoys dhan oo ka kooban Aabe, hooyo iyo caruurtii ay dhaleen.
Dadkan shacabka ah ee maleeshiyaadka Gurguurte ay sida bahalnimada ah u xasuuqeen ayaa gaaraya ilaa 5 ruux, oo 4 kamid ah ay isku qoys ahaayeen, halka qofka shanaadna uu ahaa Nin qoyskaasi marti u ahaa.
Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in weerarkaasi ay maleeshiyaadka Xasan Sheekh ku dhaawaceen Wiil yar oo kasoo haray caruurtii goobtaasi lagu khaarajiyey.
Magacyada qoyskan la xasuuqay ayaa kala ah:
Aabaha qoyska: Cabdullaahi Siidow Abiikar.
Hooyada qoyska: Xaliimo Axmed Abiikar.
Caruurta qoyska: Maryamo Cabdullaahi Siidow oo ahayd 5 sano jir.
Caruurta qoyska: Jamaal Cabdullaahi Siidow oo ahaa 7 sano jir.
Caruurta qoyska: Salman Cabdullaahi Siidow oo dhaawac garaab ah uu gaaray, da’diisuna tahay 10 sano jir.
Martida qoyska: Xasan Dhigaal Maamow.
Tacaddiyada kala duwan ee maleeshiyaadka Kooxda Villa Somaliya ay ku hayaan bulshada Soomaaliyaad ayaa xarkaha goostay, waxaanay muddooyinkan dambe si weyn u kordhiyeen dilka, dhaca, boobka, kufsiga iyo barakacinta ay ka geystaan deggaannada ay maamulaan.