Wefti uu hoggaaminayo madaxa maamulka Somaliland C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta safar ugu baxay dalka Qadar, oo marti-qaad rasmiya ay ka heleen, sida lagu xaqiijiyey war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxtooyada maamulkaasi.
C/Raxmaan-Cirro iyo weftigiia ayaa diyaarad khaas ah goor dhawayd kaga ambabaxay gegida diyaaradaha ee magaalada Hargeysa. Iyadoo warsaxaafadeedka lagu sheegay in safarkaasi uu qaadan doono muddo dhowr cisho ah.
Weftigan oo ay ka mid yihiin wasiirrada khaarajiga, daakhiliga iyo madaxtooyada ayaa muddada ay ku sugan yihiin dalka Qadar waxay la kulmi doonaan Madaxda iyo Mas’uuliyiinta sarsare ee Dawladda Qatar, sida lagu sheegay bayaanka.
Kulanka labada dhinac dhex mari doona ayaa war-murtiyeedka lagu sheegay in diiradda lagu saari doono qodobbo ay ka mid yihiin amniga iyo xasilloonida Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika iyo weliba guud ahaan wax ay ku sheegeen danaha labada dhinac.
Waa markii ugu horreysay oo si toos ah ay u wada xiriiraan maamulka Somaliland iyo dowladda Qadar, waxaana haatan aad la isku waydiinayaa sababta uu maamulka Dooxa ugu soo dabcay Somaliland, maadaama ay xiriir adag la lahaa kooxda Villa Somaliya.
C/Raxmaan-Cirro oo xilka talada maamulkaasi hayay wax ka yar Sannad ayaa muddadaasi isaga kala gooshay dalalka Jabuuti, Imaaraadka iyo Kenya, kuwaas oo la aaminsan yahay in Somaliland ay guullo ka gaartay, ayaa sidoo kalena la filayaa in dhawaan uu u socdaalo dalka Maraykanka, sida uu daabacay wargeyska Yahuudda ee The Times Of Israel.