FAAH-FAAHIN: Al-Shabaab oo la wareegtay talis ciidan oo dhaca duleedka Moqokori iyo weerar lagu laayay askarta Kenya.

Monday June 09, 2025 - 14:42:23
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanay gobolka Hiiraan ayaa sheegaya dagaal maanta xoogagga Al-Shabaab iyo maleeshiyaadka Gurguurte ku dhex-maray nawaaxiga deggaanka Mooro-erri oo dhaca duleedka degmada Moqokori.
Sida ay wararku tibaaxayaan cagta ayaa la mariyey maleeshiyaadka Gurguurte waxaana laga fara-maroojiyey talis oo ay ku lahaayeen nawaaaxiga Mooro-erri.

Weerarkaasi ayaa lagu dilay ugu yaraan 4 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya, halka 8 kalena laga dhaawacay, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo aanu helnay.

Waxaanu helnay magacyada qaar ka mida askartii lagu dilay weerarkan, waxaana ka mida Cabdullaahi Cali Shiilow iyo Muuse Gadiid Cadow.

Sidoo kale askartii lagu dhaawacay weerarkan waxaa ka mida Maxamed Sanweyne oo sida la xaqiijiyey ah sarkaal ka tirsan sirdoonka kooxda Villa Somaliya.

Geesta kale iyo gobolka ku hoos-jira gumaysiga Kenya ee Mandheera waxay dagaalyahannada Al-Shabaab ay maanta ka fuliyeen weerar dhabbo-gal ah oo ay dhigeen ciidamo Kenyaan ah.

Xoogagga Al-Shabaab ayaa hawl-galkan qaaday xilli ciidamada Kenyaanka ah ay ku socdaalayeen deggaanka Haluungo.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo aanu helnay, weerarkaasi waxaa lagu dilay ugu yaraan 8 askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

Related Items

Update cookies preferences