DEG-DEG: Saraakiil caddaan ah oo lagu weerary Muqdisho + hawl-gallo ka dhacay Jubbada hoose iyo Baay. [BAYAAN]

Wednesday July 09, 2025 - 11:29:37
Liibaan Jeexoow
Hawl-gal naf-hur ah oo lagu beegsaday saraakiil caddaan reer-galbeed ah ayaa goor dhawayd jihaadiyiinta Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.
Wax yar kabacdi markii uu weerarkani dhacayba waxaa war-saxaafadeed soo saaray taliska millateriga ee Xarakada Al-Shabaab kaasoo u qornaa sidan:

"Ciidamada Mujaahidiintu waxay maanta oo Arbaco ah hawlgal gaar ah ka fuliyeen gudaha xerada loo yaqaano Kulliyada Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Hawlgalka oo ahaa camaliyad istish-haadi ah ayay Mujaahidiintu si gaar ah ula beegsadeen saraakiil ciidan oo saliibiyiin reer galbeed ah kuwaas oo tababaro siinayay ciidamada ridada Soomaaliya.

Camaliyadda istish-haadiga ah ayaa – Allaah fadligiis - sidii loo qorsheeyay u haleeshay saraakiisha saliibiyiinta reer galbeedka ah xillli ay kormeer ku samaynayeen ciidamada ridada ah ee ay tababarka ku siinayeen gudaha kulliyada Jaalle Siyaad, waxaana halkaas ku soo gaaray khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wixii faahfaahin ah dib ayaan ka soo gudbin doonaa insha’Allaah.”

Geesta kale Jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday isbaarada maleeshiyaadka Axmed-madoobhe ee deggaanka Baar-sanguuni ee duleedka Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya dhaawaca ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka maamulka la baxay Jubbaland.

Sidoo kale jihaadiyiintu habeenkii xalay waxay dagaal culus ku mireen xeryaha maleeshiyaadka Laftagareen ee deggaanka Bur-jeed ee duleedka Baydhabo ee gobolka Baay.

Dhinaca kale Al-Kataa’ib ayaa baahisay maydadka sawirrada maleeshiyaadkii ku le’day dagaalkii ay jihaadiyiintu kula wareegeen degmada Moqokori ee bariga gobolka Hiiraan.

Sawirradan oo dhamaystiran waxaad kaga bogon kartaan channels-ka aanu ku leenahay barahayaga Telegramka sida:

Related Items

Update cookies preferences