Maamulka Yuhuudda oo qorshaynaya in ay saldhig ka samaystaan Somaliland.

Saturday October 19, 2024 - 10:55:12
Liibaan Jeexoow
Wargeyska Jerusalem Post oo kamid ah warbaahinta Yuhuudda ayaa daabacey xog ah in Yuhuuddu qorshaynayso in ay saldhig millateri ka samaysato Somaliland si ay uga hortagaan wax ay ugu yeereen weerarrada uga imanaya Xuutiyiinta Yemen.
Wargeyska oo xiganaya Middle East Monitor oo ah wargeys laga leeyahay Qadar ayaa xusey in ‘Somaliland’ ku taallo meel istaraatiiji ah isla markaana ay hore u ahayd dhul uu gumeysan jirey Ingiriisku xuduudna la leh Itoobiya, Soomaaliya iyo Jabbuuti.

Maamulka Somaliland ayaa ku yaalla Gacanka Cadmeed oo ah marinka saddexaad ee ugu saxmadda badan adduunka sida xogta lagu sheegay kaas oo jaar la ah Baabul-Mandebka. Maamulka Somaliland ayaa tan iyo 1991 sheeganaya in uu ka go’ay Somalia inteeda kale balse aan wali helin aqoonsi caalami ah.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusey in Somaliland ay haysato xeeb dhererkeedu yahay 750KM taas oo door muhiim ah ka ciyaari karta ilaalinta Baabul-Mandabka isla markaana hor istaagi karta isku dayada gurracan ee ka dhaca Badda Cas sida burcad badeedda, argagixisada iyo tahriibinta waxyaabaha sharcidarrada ah.

Shirkado waaweyn oo magac leh ayaa walaac ka muujinaya maritaanka Baabal-Mandabka kaas oo ay ugu wacan tahay weerarrada Xuutiyiinta Yemen, iyaga oo raba marin amni ah oo ay mariyaan maraakiibtooda. Taas ayaa ku qaadata safar dheer oo tobaneeyo maalmood qaata. Dalka Immaaraatka Carabta ayaa xogtu sheegaysaa in Yuhuudda uu masuul uga yahay isku xirka Somaliland iyo Yuhuudda.

Immaaraatka ayaa saldhig ku leh Somaliland tan iyo 2017 markaas oo heshiis ay kala saxiixdeen SL iyo UAE lagu howlgeliyey shirkadda Dp World oo laga leeyahay UAE.

Warbixintan oo dheerayd waxa lagu xusay in Immaaraatku yahay waddankii koowaad ee mandaqadda ku yaalla kaas oo aqoonsada maamulka Somaliland isla markaana maalgashi ku sameeya.

Isku soo wada duuboo warbixintani waxa ay sheegaysaa culeysyada haysta maamulka Yuhuudda iyo sida uu u damacsan yahay in uu saldhig ka samaysto ‘Somaliland’ isaga oo adeegsanaya camiillada Carabta gaar ahaan UAE.

Related Items

Update cookies preferences