Madaxweynaha goonnigoosiga ah ee Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Hargeysa.
Cirro oo muddo toddobaad ah ku maqnaa Magaalada Nairobi ayaa hadal kooban siiyay warbaahinta halkaas oo uu ku caddeeyay in uu si dhaqso ah ugu safri doono Addis Ababa.
"dalalka jaarka ah waxaanu tagnay Jabbuuti iyo Kenya, Itoobiyana waxaan rajaynaynaa in aan dhaqso ah u tegno” Cirro
Itoobiya waxa aad loo hadal hayaa haddii ay sii wadayso MoU-gii ay sannadkii hore la saxiixatey SL.
Dhanka Addis Ababa weli kama ay tanaasulin heshiiskaas balse keliya hoos ayay u dhigtay.
Dowladda Federaalka oo dagaal diblomaasiyadeed ka gashat arrinta MoU-ga ayaa ugu dambayn qalinka ku duugtay in Itoobiya aaney dhanka Somaliland u marin helidda deked ay isticmaasho.
Waxa uu Cirro sheegay in caalamku ugu soo joogsaday doorashadii iyo malleeshiyo beeleedyadii hubka laga dhigay.
Geesta kale waxa uu sheegay in Kenya uu kula kulmay dad badan oo aan la soo koobi karin.
Waxa maalintii shalay ahayd soo baxday in ay Kenya ku kulmeen Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Cirro inkasta oo aanay labada dhinac taas ka dhawaajinnin.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: