Raysal Wasaaraha Federaalka Soomaaliya ayaa maanta safar ku tagay dalka Jabbuuti halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Jabbuuti Ismaaciil C. Geelle.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Xamse ayaa lagu xusay in laga wada hadlay arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Kulanka Xamse Cabdi Barre iyo Geelle ayaa yimid ka dib maalmo yar uun kahor markii ay Jabbuuti qaabishay sidoo kale Madaxweynaha Somaliland ee Cirro.
Cirro ayaa intii uu talada joogay isu maray Immaaraatka, Jabbuuti iyo Kenya. Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa sheegaya in saddexda gooboodba ay Kooxda Hargeysi uga adkaatey Kooxda Muqdisho.
Geesta kale Soomaaliya waxa ay isku dayeysaa in ay furfurto xarkaha diblomaasiyadeed ee Somaliland.
Dhawaan waxa uu Xamse sheegay in intii ay ku mashquulsanaayeen soo afjaridda MoU-gii Somaliland la gashey Itoobiya in kooxaha Islaamiyiintu ka faa’idaysteen.