Wararka ka imanaya gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya qarax xooggan oo lala beegsaday maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya.
Sida ay wararku tibaaxayaan maleeshiyaadkan ayaa iyagoo Mooto saaran lagu qarxiyey agagaarka xerada maleeshiyaadka maamulkaasi ku leeyihiin degmada Ceel Waaq.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in qaraxaasi ay gebi ahaanba ku qur-baxeen saddexdii askari ee Mootada saarnaa. Waxaana hawl-galkaasi fuliyey xoogagga Al-Shabaab.
Magacyada askarta uu qaraxaasi salfaday oo aanu helnay ayaa kala ahaa Ibraahim Faarax Timacade iyo labo askari oo kale oo iyagana magacyadooda lagu soo gaabiyey Nuur-keey iyo Abshir.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub: